Mucaaradnimadii Abtiyaashay Walaxaa Ka Dhiman ..

Arrin dabiici ah weeye adduunka horumaray Afrika oo dimuquraadiyadu ku yartahay iyo Carab & Cajab in Hoggaamiyaha Mucaaridka amma Muxaafidku saamayn xoogan uu ku la haado degaanada uu ka soo jeedo. Maha qabyaalad waa arrin dabiic ah oo laysku raacsanyahay. Maqaalkan waxa iga keenay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Oodweyne..
Horta siyaasiyiintii caanka aha, Saladiintii Gobolka Daad-madheedh Xildhibaanadii labada Gole kaga jiray mid qudha wajiyadoodi kamay soo muuqan socdaalka, madaxaeynaha lakiin waa la soo dhaweeyay waana gobonimo. Waxaanse tabayaa mid ka sii xeel dheer.
Tusaalaha nool ee Xisbiyada xagga Mucaaradnimo iyo halganka kursi raadinta waxaynu soo qaadana Axmed Maxamed Siilaanyo, Waayo waa Mucaaridkii ugu muddada dheera intaynu nidaamka Axsaabta badan qaadanay. Degaanadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Sanaag, Bariga Burco iyo Caynaba wuxuu ku laha saamayn luxdan oo aan mar qudha liicin, deganadaas 8-sanno oo uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay iyo 3-sanno oo Mucaaridadii Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ahayd 11-ka sanno dhinbiisha Mucaaridku kamay bakhtiyin.. Dawladda In kasta oo ay dibu-dhaca la qabeen Gobolada itaalka Xukumadeedna iska koobna hadana wixii ay xaq ugu la hayeen way ka helayeen sadku haba llite. Wasiirka Xukuumaddii Daahir Rayaale ka tirsanaa ee Degaankaas ka soo jeeday nufuud siyaasi ah kumuu lahayn, Cabdillaahi Dhoolayare ayaa ugu dadaal badnaa wixii kala qabsaday waa la ogaa…
Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida ee hadda oo aha siyaasi adag saamayna ku laha UDUB ka hor tageeradiisi Siilaanyo shirkii Gar’adag si kasta oo uu yeelay galan galkiisu wuu ku koobna xagga Deganadaas, Degma Qorilugud oo uu ku xoogana waxay la magac baxday wagaas Aaga Kurdida. Siyaasiga UDUB ah marfashyada Habar-love kumuu qayili kari jirin maqaaxina muxaadiro kamuu gali jirin. Idinka Abtiyaal kii caawa Muuse Biixi la soo shaxeeyay ayaa Shiraaqle iyo Kaah idinku xiijinaaya.. Cawil Mucjiso oo mijihii ubadkiisa cunay qaarna ku ammaahday cimrina aanu u laabnayn ayaa Oodweyne la marinayaa.. Kaas oo kale waa In dhawr jeer la dakhraa haddii mucaarid kulul la doonayo, waa been Somaliland inagoo ku dhegan oo aanay cidina inagu cabsiinayn ayaa in mucaaradnimada la alooso ay tahay .. Caare yaan laydinku cabsiin, Xukuumaddu ha soo qabto iyadaa xoogi Dalka hayse. Waxaan xasuusta 2003-kii markii KULMIYE dhacay koox uu Maayarkii hore ee Burco Muuse Madoobe oo Siilaanyo tolnikada ka sokow Abti dhaw u aha hoggaaminaayay alle hawnaxariisto ayaa Puntland u gashay oo lacag ka soo qaadatay waliba Cabdillaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka Aha wakhtigaas. Dee Daahir Rayaale Xukuumaddiisi ayaa xabsiga ku gurtay intay soo qabatay.. Siilaanyo na laguma eedayn Habar-love na laguma eedayn markii danbe Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha ayaabu ka dhigay Muuse Madoobe Madaxweyne Rayaale .Marka Carre Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u yaala Inuu soo qabto iyo Inuu la heshiiyo hawl inoo taala maha waa Sarkaal goostay sidaa Muuse Madoobe Cabdillaahi Yuusuf ugu goostay waagaas..
Muxuu KULMIYE u xoogana marku Mucaaridka aha.?
KULMIYE Xisbi xoogbadan ayuu aha Mucaaridkii waana Xisbiga qudha ee Mucaaridnimadii kaga fiicna Muxaafidnimada sabatu mid qudha ayay ahayd .. Dhaqaale ahan KULMIYE wuxuu aha Xisbi Dadka Degaanadaasi hawba kala bataane aanay marqudha shidaalka ka joojin, Guddoomiyaha Xisbigu Akoon xisabeed u gaara ayuu laha…. Si mucaaridku u xoog badnaado safka hore waxa soo mari jiray siyaasiyiinta Degaanada kale Oday Axmed Siilaanyo na budhku hor luxi jiray.. 11-ka sanno garan maayo Suldaan iyo siyaasi saamayn leh oo u dusay Daahir Rayaale, Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa xasuustayda aan hayaa markii Xisbigu dhacay 2003-kii Daahir Rayaale u galay isna nooli ayuu ka sii qaatay oo waakii Ingiriiska galay waxaanu Dalka ku soo noqday doorashadii 2010-kii Wax yar ka hor.. Xalku waxa weeye wli ma habaysnin abtiyaal ee bahasha inaga giijiya, guusha sidaan hore u sheegay aynu Xisbi ku raadino Iska ilaawa qolaaliga Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaxwaheeda haddii kursiga hunguri inaga hayo, hadalka iyo hawraartana aynu Dadka kale u dhiibno inta Hargaysa iyo Gabilay ka guuxaysa ee maamul xumada iyo niyad jabku hayo aynu abaabulno. Waliba kaligeen wax dooni maynee doorka danbe waxaa inagu xigaaya Gobolada Darafyada oo Dastuurka ayaynu furaynaa.. Rer wax u doonimayno ee waxaynu u halgamaynaa helida Somaliland ka wacan ta maanta oo ay walaalo yihiin shacbigu dhammaantood aan la kala qoqobin.. Idinkuna hormuud u noqda halgankii la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ba qub iyo nasiib ayaad ku yeelateen hoggaamintii ileen la kala hooda wacane waynagii 6-bilood Dalka ku qabanay.
Tusan ..
Muniir Axmed Cigaal
Sweden
Natiijada sawirka munir axmed cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker