Soomaaliya Oo Mar Kale Kenya ku Eedaysay inay Ka Danbeeyeen Weerarkii Beledxaawo

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud  ayaa mar kale Kenya ku eedaysay in ay soo hubaysay wax ay ku tilmaantay “Malayshiyo weerar qaawan ku soo qaaday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo”.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa in weerarkaas ay Ciidamada dowladda Federaalku ka hortageen islamarkaana uu beenoobay damacii Kenya ee ku aaddanaa in ay si aan toos ahayn u maamusho qayba kamid ah dalka Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo” ayaa lagu yidhi Qoraalka

“waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya”.

Dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay in tallaabadaas ay ka horjeedo ah Nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker