Itoobiya oo ciidamadeedi ka jooga Soomaaliya galisay feejignaan ka dhan ah weerarada Al shabaab
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa booqday fariisimaha ciidamada Itoobiya ee ku kala sugan gobollo dhowr ah, si uu u qiimeeyo heeganka, awoodda howlgallada iyo diyaar-garowga ciidamadiisa.
Sarreeye Guuto Hashim Mohammed, oo ah taliyaha Qaybta Saddexaad ee ciidamada ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa booqasho kormeer ah ku tegay fariisimaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanno kala duwan oo dalka ah.
Kormeerka ayaa lagu tagay guutada sagaalaad ee ciidamada lugta ee gaadiidka gaashaaman, kuwaas oo ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, Xudur ee gobolka Bakool, Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo, Baydhabo, Berdaale iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay, iyo Diinsoor.
Intii uu kormeerku socday, taliyaha iyo saraakiil la socotay ayaa qiimeeyey habsami u socodka howlgalada, heerka diyaargarowga ciidamada iyo caqabadaha amni ee ka jira goobaha ay ku sugan yihiin.
Hashim Mohammed ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sare u qaadaan feejignaantooda, isla markaana diyaar u ahaadaan khataraha amni ee ka imaan kara xaaladaha isbeddelaya, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay ilaaliyaan sumcadda howlgalka, iyagoo ku shaqeynaya xirfad, anshax iyo dadaal.
Dhankiisa, madaxa tababarka iyo isku-duwaha shaqaalaha Qaybta Saddexaad, Korneyl Wondwossen Hussein, ayaa sheegay in guutooyinka Itoobiya ay muujiyeen diyaargarow sare tan iyo markii ay la wareegeen goobaha loo diray, isla markaana ay iskaashi kala sameeyaan ciidamada amniga ee deegaanka, iyagoo tixgelinaya dhaqanka iyo qiyamka bulshada.
Ciidamada Itoobiya ayaa weli ku sugan qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taageerada amniga Soomaaliya.
Kormeerkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Itoobiya, si ay uga wada hadlaan xaaladda amni ee magaalada, kadib xiisado ka dhex taagnaa ciidamada maamulka iyo kuwa daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).




