Dalka ay ka soo jeedan laba qof oo lagu xidhay Jarmalka loogana shakisan yahay inay qorsheynayeen weerarro
Booliska Jarmalka ayaa xiray laba muwaadin oo Ciraaqiyiin ah, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerarro lagu bartilmaameedsanayo Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda.
Waxaa la sheegay in goobaha la qorsheynayay in weerarrada lagu qaado ay ka mid ahayd sunagog Yuhuuddu leedahay.
Labada nin ayaa lagu xiray hawlgallo boolisku ka sameeyeen magaalooyinka Cologne iyo Heidelberg ee galbeedka Jarmalka.
Dadka la xiray ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin koox taageerta Iran oo lagu magacaabo Islamic Movement of the Right Companions.
Kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro badan oo ka dhan ah Yuhuudda, tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarrada ku qaadeen Iran bishii Febraayo ee sannadkan, isla markaana uu dagaalku ka qarxay Bariga Dhexe.
Waxaa sidoo kale la sheegay in labada eedeysane ay lacag heleen, isla markaana ay isku dayayeen inay qortaan dad mutadawiciin ah oo ka qayb qaata fulinta weerarrada.




