Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay waxa ugu weyn ee ay ka filayaan Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya iyo Eritrea ay waxyaabo badan ay wadaagaan, kana badan yihiin dal kasta oo kale, isla markaana Itoobiya ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso danaha labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale xusay in boqolaal kun oo Eritrean ah ay si nabad ah ugu nool yihiin ugana shaqeystaan Itoobiya. Hase yeeshee, waxa uu su’aal ka keenay in Eritrea ay ku nool yihiin “10 Itoobiyaan ah”.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha TPLF, oo ay marar badan ku eedeyso inay Eritrea taageerto, aan loo oggolaan inay galaan Asmara, iyadoo intaas ku dartay: “Wac hoggaamiyeyaasha TPLF oo weydii.”

Abiy Ahmed ayaa adkeeyay in waxa ugu weyn ee Itoobiya ka filayso Eritrea ay tahay inaysan hubeyn ama taageerin kooxaha mucaaradka, isla markaana labada dal ay iska kaashadaan horumarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker