Dadka ku nool Africa iyo Bariga Dhexe ‘’ Middle east ‘’ waxaad modda ilaa markey xorriyadoodi ka qaaten gumestihi reer Europe in maalin ba maalinta ka dambeysa noloshoodi hoos u dhac iyo khatar ku sugan tahey.

 

Markaan dib u jaleeco sooyaalki ay facayagu soo mareen todobatanaadki qarnigi hore oo aha wakhtiyadi ugu adka dagaalki qabooba ee u dhexeyey dawladihi hantiwadaaga ee Ruushku hoggaaminaaye iyo dawladaha hanti goosadka ee Mareykanku hoggaaminaayo.

Waxaanu qabney rajo weyn in isbadel horumar leh iyo nabad waarta ka dhici doonto aagan aynu ku nool nahey ee bariga dhexe iyo geeska Africa.

Somaalidu Bariga dhexe aad bey ugu xidhan tahey haddey tahey dhinac qoyska ( Yemen ) dhaqaalaha, ganacsiga, caafimaadka, taclinta sida dawladaha khaliijka, Masar, Syria, Sudan, Ciraaq IWM. ). Haddaan tusaale anigu nafteyda idinka sheekeeyo.

Waxaan ku dhashey Hargeysa markaasa qoyskeygu Cadan ( Caasimadda Yamenta Konfureed oo ingriisku gumeysan jire ) u guureen anigo ah 4 jir.

Wagtiga ingriisku gumeysan jire yemanta Konfureed, Ganacsiga Cadan waxey mandaqadda bariga dhexe u aheyd sidey maanta Dubai u tahey adduunka.

Dad badan oo reer Somaliland na wey ku noolaayeen oo saameyn xog leh ku yeeshey horumarka dhaqaale , Sporti, bulsho, siyaasadeed ee Cadan iyo Somaliland ba sida Allah haw naxaristey ganacsadey Maxamed Ibrahim Nuur, siyaasi Maxamuud Fagadhey, Maxamuud Dukhsi, gabaya Hadraawi, ciyaartoy Siciid Ducaale , Siciid Ismaaciil, Maxamuud Killer iyo qaar kalo badan. Haddaba markay Yemanta Konfureed xoriyadeedi qaadatey 30 November, 1967.

Waxa taladi dalka la wareegey Jabhadi National liberation Front ‘’ NLF ‘’.oo ka adkatey Jabhaddi kale ee FLOSY. Dagaalkaaso dhiig badan ku daatey. Waxaana madaxweyne ka noqdey hoggaamiyaheedi Qaxdaan Al Sha’abi. Nasib darro se 1969 waxa inqilaabey ‘’ Afgambiyey ‘’.

Koox hantiwadaaga ah oo Ruushku dabada ka wado oo u hoggaaminayo Saalem Rubeyac Cali. Kuwaaso qaatey Mabda’a hantiwadaaga ah ee Marxism-lininism oo ganacsigi gaarka ah oo dhan la wareegey beddeleyna Siyaasaddi dhaqaale ee suuqa xorta aha ee Cadan ku macaashtey kuna caan baxdey maadaama aaney Cadan la heyn kheyraad badan oo dabiici ah iyo wershado wax soo saar leh.

Siyaasaddasina waxey ku abuurtey colaado hor leh xagga dawladiha jaarka ee khaliijka oo hodan ku ah shidaalka, boqortooyo na ka taliso xidhiidh xoog lehna la laha reer galbeedka, kana cabsi qabey in nidaamkan hantiwadaagu saameyo shacabkooda oo halis galiyo Xukunkooda.

Anigu waxaan taclinteeda ku dhameystey school la yidha Saint Joseph high school. 1975. Waana school private ah kuwa ugu fiican skuulada Cadan.

Maadaama dawladdi Cadmeed noqotey hantiwadaag oo hanti walba la wareegtey, noloshiba cidhiidhi bey gashey. Markaasey haddana ku soo rogtey sharci in dadka yeman u dhashey aaney si xor ah waddanka uga bixi Karin.

Anigu haddaba nasiib wanaag maadaama aanu Aabahey no oggolaan qaadashada dhalashadi Cadan waxaan safaaradda Somalida ka qaatey Somali passport. dabadeedna markiba waxaan u dhoofey Abudhabi ‘’ UAE ‘’ oo shaqaale badan u baahneyd. Anigo ku hamiyaya inaan waxooga shaqeysto dabadeedna waxbarasho debedaha uga doonto.

Waana waqtigi dad badan oo Somaali ah iyo jinsiyado kale oo Carab ah aad loogu fududeyey iney soo galaan dalka UAE. Haddaba maadaama aan sannadka laftisa dhameystey secondariga oo caalamada fiican aan keney laakiin aanan wax shahaado khibrad shaqo heysan waxey igu noqotey caqabad helis shaqo.

Waanan diidey inaan sameysto tu macmal ah sida dad qaar sameeyn. Waayo waxey noqoneysa inaan bedello shahaadadeydi ‘’ Secondary Certificate ‘’ ee asalka aheyd.

Nasiib wanaag, daacadi ma hungoto waxaan maqley wasaaradda petrolka ee Abudhabi oo imtixaan ka qaadeysa dad ay u dirto iney soo bartaan Marine Engineering, magaalada Alexandaria ee Masar oo ka shaqeyn doona sharikad maraakibta shidaalka qaada Arab Maritime Petroleum transport Company ‘’AMPTC ‘’, Sharikadda waxa ku bahoobey dawladaha carabta ee petrolka soo saara. Imtixaanka nalaga qaadey wuxu ka koobna seddex maadadood oo kala ah luqadda ingriisiga, Maths iyo Physics. Waxanan ku galney ilaa konton qof, waxaana la qaatey afar qof on anigu number wanka u galey.

Haddaad faan iga moodeysaan, 2011-2012 ayaan jaamicadda Hargeysa ka galey diploma, conflict resolution. Dee kuwaana wankan u galey, waxaana igula jire rag iyo dumar badan sida Dr. Barawaani, iyo nin aad baryahan loo hadal hayo oo la yidha Jaamac Gaabuush iyo qaar xildhibaano iyo mayor ku xigeeno noqdey.

La soco qeybaha dambey iyo dawladaha aanu boqaney shanta qaaradood oo xiiso badan.
Eng: Bashe C. Gaboobe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker