6 Aqoonyahan oo Loo Shaqaaleeyey Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland

Hay’adda shaqaalaha Dawladda  Somaliland oo qaar ka mid ah dhallinyarada Jaamacadaha oo ay imtixaam ka
qaadeen u shaqaalaysiiyey Wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland , kuwaas oo bartay aqoonta IT-ga.
Ugu horayn, waxa halkaas ka  hadlay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, oo u
hambalyeeyey dhallinyaradaas ku guulaystay inay ka mid noqdaan shaqaalaha dawladda, isagoo ammaanay Wasaaradda maaliyadda Somaliland oo uu sheegay inay u soo gudbisay dhallinyaradan aqoon yahanka ah
si ay uga qaadaan imtixaamka ay hay’addu ka qaado shaqaalaha dawladda loo qaadanayo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay ka kooban yihiin lix xubnood isla markaana ay markii hore kaalmaha koowaad ay ka galeen imtixaankii Jaamacadaha ee ay ka soo baxeen, isagoo hawlwadeennadan kula dardaarmay inay kaalintooda ka qaataan dedaalada ay ku hawlan tahay wasaaradda maaliyadu.

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu u mahad celiyey agaasimaha waaxda xulista iyo dalacsiinta ee hay’adaas Marwo Ifraax iyo xubnaha guddida hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu sheegay inay dedaal badan
galiyeen kala xulistii iyo kala haadintii xubnihii ka qayb qaadanayey imtixaamka.

Geesta kale, Cumar Siciid iyo Sucaad sheekh Xuseen, oo ku hadlayey afka guulaystayaasha  ayaa sheegay in imtixaankaas loo  qaaday hab caddaalad ah, iyagoo xusay inay ka kala socdeen Jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda

Farxaan Aadan Haybe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker