Siciid Deni Oo Ku Guulaystay Madaxtinimaddii Maamulka PUNTLAND

Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynaha Puntland, isagoo helay 35 cod.

Halkan hoose ka akhriso taariikhda madaxweynaha cusub ee Puntland;

Siciid Cabdillaahi Deni, waa 53jir ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Muqdisho, halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha.

1998 illaa 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu soo noqday xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Sannadkii 2012.

Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sannadkii 2017, Siciid Deni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker