Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera oo Shaqadiisii Kaga Mashquuley Dad uu Kasoo Daabulayo Caynaba oo Ku Deegaameynaayo Saaxil iyo Dhaqaale uu ku Bixinaayey Koox Odayaal ah Hargeysa ka Wada Dacwad ka Dhan ah Maayir Cidin…

Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera, ayaa isku maandhaafsan Mad-haab qabiil oo ay kula Kala safteen Beelaha ay kasoo kala jeedan, isla markaana Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Mr. Cabdi Kariin Cadde, waxa uu dabada ka riixaya Odayaal dhaqameed ashkato ka ah Maayirka Magaalada Berbera Mr. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), oo kasoo jeeda Beelaha Bariga fog ee Saaxil, kuwasoo Ku doodaya in Tuulooyin ay degaan uu ah hab beeleysan uga qaaday Maayirku.
Hase-yeesha Xoghayaha Dawlada hoose ee Barbara, ayaa waxa uu dhaqaale aad u xoogbadan la daba-jooga sidii ay u fuli lahayd Dacwada deegaameysan ee Odayaashu Ku wada duqa Berbera. Sidoo kalena Xoghayaha Dawlada hoose waxa uu Muddooyinkii u dambeeyey uu Kaga mashquuley shaqadiisii Dawlada hoose qabyaalad cad iyo deegaameyn hor leh oo u Ku deegameynaayo Beeshiisa Bariga Burco inuu Ku beero degmada Berbera, waxanu xoghayuhuu Kasoo kaxeeyey Magaalada Caynaba kasoo tahriibiyey shaqsiyaad kala duwan oo qaarkood yihiin Weriyaal, ay isku hayb yihiin.
Waxana kamid Weriyaasha Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera keenay gobolka Saaxil, isla Markaana uu qorsheeyey inuu dhex marsado Fikiradiisa deegaameynta ah, Nin lagu Magacaabo Maslax Sidiiq oo Television ka HCTv ugasoo warami jiray Magaalada Caynaba ee gobolka Saraar, kaddib markii uu caqabad u arkay Weriyaasha ka hawlgala Gobolka Saaxil in aanay u gudbiney Fariimaha qabyaalada iyo cunfiga xambaarsan. Iyadoo uu Xoghaye Cabdi Kariim ka hawlgalay inuu Wariyaahaasi Berbera wakiiil uga noqday Television HC TV, hase-yeeshee maamulka Television kaasi ka diiday.
Hase-ahaatee Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera, waxa uu ka hawlgalay inuu Wariye Maslax ka hawlgeliyo Television Eeryal oo u Mulkiyadiisa leeyahay Nin kasoo jeeda Beesha Bariga Burco, waxana xogaha laga helay daaha ka faydeen inuu qorshahaas Ku guuleystay, isla markaana uu dusha Ku qaatay Xoghayuhuu inuu bixin doono mushaharka Ninkaas Weriye beeleedka ah ee u kasoo kaxaysyay Caynaba.
Haddaba, maxaa ugu macan qabyaalada iyo baxliga ay bulshada Ku kala abuurayaan labadan masuul ee u sareeyaa Dawlada hoose ee Berbera, Jawaabta Su’aashaas waxan u dhaafayaa bulshada Ilahay Ku beeray Gobolka Saaxil, haseyeeshee waxa Xusid mudan Maayir Cidin iyo Xoghayaha Dawlada hoose labadooduba ay saaxibku yihiin boobka iyo musuq-maasuqa hantida umadda, kuwasoo Daaro dabaqyo ah kaga kala jeexdaan magaalooyinka kale ee dalka iyo Berbera labadaba.La Soco Cadaadyada Dambe.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker