Sida lagu ogaado in qof Calanka laguugu dul wadhay ( Obsession )

Qofka ku sudhay hadaad mar qudha la kulantid oo uu Cinwaankaaga helo Farriimaha ma kala joojiyo, wuxuu kaa filayaa inaad dhakhso ugu soo jawaabto, hadaad sidaa yeeli weydo wuu cadhoonayaa waxayna muujinaysaa inuu xanuun jiro.

Xadka Dowladuhu dhigteen xitaa ma arko, Dadka dhexdiisa iyo Tiknoolojiga lagu wada xidhiidho ayuu kaa faaleeyaa sidii qof ku yaqaan.

Waa xaqiir kalsooni yar oo jecel inuu ku Baar eegto, wuxuuna isku dayaa inuu adiga iyo dadka kale idin kala dhex galo.

Wuxuu jecel yahay in aad noqotid qofka uu maskaxda ku haysto sawirkiisa nolosha, hadii aad kaa noqon weydo aar goosi buu kaga jawaabayaa.

Intuu ku amaano ayuu haddana ku dhaliilayaa, wuxuu sidaa u yeelayaa inuu kugu dherersado, intaa wuu kuur gelayaa si uu u helo iimahaaga.

Fursad kastoo uu helo wuxuu isku deyayaa in uu ku xajiimeeyo, haddaad tidhaahdo maxaa i kaa daba dhigey waa fulay ku odhanaya adiga ma aha iyo kuuma jeedin.

Dadku markay ku soo hadal qaadaan intuu Giir iska kiciyo ayuu odhanayaa waa saaxiibkay, anaa idinka wada aqaana, markaasuu waxaan loo joogin ka sheekeeyaa.

Dhow-dhowda iyo i daa kuma joogo, haddaad xeryaha Miletiriga ka gasho kaa hadhi maayo.

Mar-marka qaarkood wuxuu isagu is geliyaa maskaxda qofka kale ee uu iska jeclaaday, ama wuxuuba furtaa baraha kulamada bulshada oo Magacaaga iyo sawirkaaga sidata.

Qofka aynu ka hadlaynaa ma aha qof miyirkiisu dhan yahay, hadaanu ahayn qof Balwado leh, dadka yaaqaana ayaa ka Taariikheeya in uu hore u lahaa cilladdan,sida aad uga go’aan qaadanaysaana ha noqoto garashadaada.

U ducee isaga isla markaana Eebe u waydii in aan Alle ku salidin Haldoornimada Xildhibaan Fahiima Guuje, Codka Weriye Sagal Beeldeeq, Afdahamada Marwo Dalays Shire iyo kalgacalka marwo Yurub Abiib. Il iyo Cawriba la’aada Idam Alla.

 

Bashiir Tarabbi Oogle.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker