Xamaas oo ka hadashay geerida madaxweynihii iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo saaray bayaan ay kaga tacsiyeynayaan geerida ku timid madaxweynahii Iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda.

Kooxdan falastiiniyiinta ah oo ay Iran taageerto, haatanna dagaal kula jirta Israa’iil, ayaa qoraalkooda ku yiri, “Waxaan ku muujinaynaa dareenkayaga guud dhacada murugada leh iyadoo aan la wadaageynno ummadda aan walaalaha nahay ee Iran taci, isla markaana aan si buuxda u garab taaganahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay tahay mid xanuun badan oo ay ku dhinteen madax qiimo badan.

Xamaas waxaa argagixiso u aqoonsan dalal badan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker