Hogaamiyaha Afgambiga Kongo oo la Dilay

Hogaamiyaha isku daygii afgambi ee Axaddii shalay ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa la dilay, waxaana lala dilay dad gaadhaya 50 qof oo ay ku jiraan sadex muwaadin oo u dhashay Mareykanka.
Afahayeen u hadlay Dalkaasi ku yaala Bartamaha Africa ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Shalay Galabnimadii ayaa waxaa rasaas xooggan laga maqlay Caasimadda Kinshasa, sida uu soo wariyayay wariye Reuters halkaasi uga soo warama.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarunta madaxtooyada oo ku taala bartamaha magaalada, sida uu sheegay Afhayeen dowladda u hadlay kaas oo ay warbaahintu soo xigatay, afhayeenkaas oo la yidhahdo Sylvain Ekenge.
Weerar kale ayaa ka dhacay, guri madaxtooyada ku dhow oo uu leeyahay Vital Kamerhe, oo ka tirsan xubnaha baarlamanka ee dalkaas, kaasoo la sheegay in lagu wargeliyay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka, hadalkaasna waxaa bartooda Twitter-ka si kala gooni gooni ah u soo dhigay Afhayeen u hadla Kamerhe oo la yirahdo , Michel Moto , iyo safiirka Dalka Japan Congo u fadhiya.

Moto waxa uu sheegay in mid ka mid ah ilaalada xildhibaanka iyo laba ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday lagu dilay weerarkaas.

Madfac laga soo tuuray dhinaca Conngo Kinshasa ayaa ku dhacay magaalada Brazzaville ee Jamhuriyadda DRC deriska la ah ee Congo Brazzaville. Hal qof ayaa dhaawac ka soo gaadhay madfacaas cusbitalka loo dhigay.
Mareykanka ayaa goor sii horeysay uga digay muwaadiniintisa CONGO ku sugan dhaqdhaqaaq laga shakiyay oo ay wadeen xubno ka mid ah saraakiisha amaanka.

Madaxa Howlgalka Xassilinta ee Qaramada Midoobay ee DCR, Bintou Keita, ayaa dhaleeceeyay dhacdooyinkan isagoo taageero u muujiyay masuuliyiinta dowladda DRC.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker