Goormay Labada Askari Feysal C Waraabe heshiiyeen

 

Sida ummadda reer Somaliland iyo Somalida kalaba ay ogyihiin Faysal Cali Waraabe wa nin aan qaranin maalinba ninka uu danihiisa gaarka ah ka waayo, Tusaale ahaan maalinta uu Farmaajo Telka ka qaban waayo, belo ayaa dhacda oo waa maalinta uu Somalida Koonfureed cagta mariyo . !!!.

Hadaba waxaa beri aan sii fogeyn la ogaa iyadoo ay fiintu dhex miranayso Faysalka UCID iyo labada Askari ee Maamulka Somaliland ka taliya ka dib markii uu Muuse Biixi Madaxtooyada ka soo xidhay Faysal Cali Waraabe oo aan jeclaynay in uu ka fogaado Aqalka Morgen dhisay oo Somaliland looga taliyo.
“Dagaalkii Sokeeye waxaa riday Muuse Biixi iyo Ina Kaahin”.
“Taladii dalka wuu ku fashilmay hadii uu sidaa ku sii wadana waxaanu Insha Allah Tacaala qaban doona Shirbeeleed Qaran”. “Dalka ku eegimayno Muuse Biixi oo anagaa ka ilaalinayna in uu Somaliland dumiyo”
Alla Alla waa kii Faysal cartamay Heego ay nacadashay, ee dadkuna ay hoosta iska wada gujiyeen!!!. “Armay run ka tahay”

Arintaasi may sii waarin ee waa kuwan imika Faysal iyo labada Askari isku dhufayska ah ee ilaa xad kalgacalkoodu uu gaadhay in ay yidhaahdaan “Waxaanu dalka ka qabanaynaa doorasho labadayada Xisbi oo keliyi galaan oo aanu Xisbiga Wadani ku jirin”

Hadaba suaashu waxay tahay maxaa labada Askari ku kelifay in ay Faysal u fuliyaan muraadkiisii ahaa inuu si dadban uga mid ahaado Golaha fulinta ee Dawlada Muuse Biixi, sida Wasiir Arima Dibadeed aan magacownayn, Afhayeen aan sharci aheyn, Wasiir Warfaafineed unlegal ah?.

Jawaabta oo koobani waxa weeye Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo labada Askari ku soo karbaashay Siyaasadii Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland. Markaa waxa Khasab moqotay in labada Askari ay isu dhiibaan Faysal Cali Waraabe maadama aanay waxba ka aqoonin Siyaasada caalamka iyo luqadaha lagula hadlo Diblimaasiyiinta aduunka .

Wakaa!! halkaas ayuu Faysal labadii Askari ugu noqday Cabdi Turjumaankii SNM.ta iyo Xabashida u kala turjumi jiray berigii Dugsigii Tababarka ee Awaare uu furay CabdilQaadir Koosaar rabi Janada fardawsa ha ka waraabiyee.

Imika Faysal waa Faysal Turjumaan intii imika ay Nairobi joogeena wuxuu Ina Kaahin ku sameeyay indha sarcaad isagoo kolba Gaalad ama Gaal cadaana baraayay oo lahaa “Tani waa Heblaayo oo waa Inkaar looga dambeeyo arimaha EU da” ” Kani waa Hebal oo wuxuu belaayo ku qaba arimaha Bariga dhexe iyo kuwa Geeska Africa”. Kani, Tani, kuwani.
Ina Kaahin, Ina Cabdi Dheere iyo Sheikh Samalana waxay filma ku matalayeen sidii aan ahaa berigii aan Norway imid . Dhoorayaal V. Heegana waa Wadani dhaba ayay isla soo tubeen.

Lakiin belaayo waxay joogta Maalinta ay Faysal ka soo xidhaan guriga!!!!!!!

Alla Mahad leh
Osman Omar Dool Oslo Norway

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker