Wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in cunaqabteynta Mareykanka ay keentay shilka madaxweyne Ra’iisi

Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay shahiidaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dadkii la socday.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ay ka timid xayirdda la saaray Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado.

Zarif waxa uu intaas ku daray in dadka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran Iran.

Zarif wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi. Wuxuu sheegay in dambiyada Mareykanka ay gali doonaan diwaanka maskaxda dadka Iran iyo taariikhda dalkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker