Julian Assange oo ku guulestay racfaan uu ka qaadanayo in aan Mareykanka la geyn

Maxkamadda sare oo ku taal London ayaa diiday in loo gacangeliyo Mareykanka aasaha Wikileaks, Julian Assange.

Maxkamadda ayaa u ogolaatay in uu racfaan ka qaato amarka ah in loo maxkamadeeyo in uu bannaanka keenay sir militeri taas oo keentay khatar nololeed.

Maxkamadda ayaa hore uga dalbatay Mareykanka in ay u xaqiijiyaan in xoriyatul qowlka Mr Assange la dhowryo, hadii dambi lagu helana aan dil toogasho ah lagu xukmeynin.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, qareenka Assange wuxuu sheegay in ballanqaadka ay bixiyeen Mareykanka ilaa hadda ay tahay mid aan ku filneyn.

Julian Assange ayaa in ka badan 10 sano diidanaa in la geeyo Mareykanka. Ahdda waxa uu haysta dhowr bilood uu ku diyaariyo racfaan. Taageerayaashiisa ayaa farxad ku soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda

Julian Assange ayaa racfaan cusub ka qaadan kara

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker