Ciidamada DR congo oo sheegay in ay ka hortageen Afgembi

Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day afgemi oo lagu ridi rabay madaxweyne Felix Tshisekedi oo ka dhacay caasiamdda Kinshasaha, waxayna sheegeen in ay ku luglahaayeen dad u dhashay Congo iyo dagaallamayaal shisheeye.

Afhayeen u hadlay ciidamada DRC, Brig Gen Sylavin Ekenge, ayaa sheegay in 50 qof oo looga shakiyay afgembiga oo ay ku jiraan saddax qof oo u dahshay Mareykanka iyo qof la siiyay dhalashada Britain in la xiray. Afhayeenka ayaa hore telefishinka uga shegay in xaaladda ay hadda gacanta ku jirto.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in labaatan qof oo dharka ciidamada ku labisan ay weerareen deegaanka madaxweynaha kaddibna waxaa la maqlay rasaas.

Weerarka waxaa ku dhintay labo ka mid ah ilaalada iyo qof kuwa soo weeraray guriga Mr Kamerhe sidaasina waxaa barta X ku sheegay afhayeenkiisa iyo safriirka Japan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in kuwa weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa New Zaire oo lala xiriirinayo siyaasigii hore Christian Malanga kaas oo qaatay dhalashada Mareykanka.

Mr Malanga toogasho ayaa lagu dilay kaddib markii uu diiday in ay xiraan ciidamada ammaanka sida uu sheegay Afhayeenka Mr. Ekenge.

Wiilkiisa, Marcel Malanga, ayaa ka mid ah saddex qof ee haysta dhalashada Mareykanka kuwaas oo loo xiray in ay isku dayeen afgembiga.

Safiirka Mareykanka ee DR Congo, Lucy Tamlyn, ayaa sheegtay in naxdin ku noqotay wararka sheegaya in Mareykan ku lug leeyihiin isku dayga afgemb

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker