Dacwad oogayaasha ICC ayaa doonaya in la soo xiro Netanyahu iyo hoggaamiyayaasha Xamaas

Dacwadoogaha guud ee Maxkamadda Caalamiga Dambiyada ayaa dalbaday in la soo xiro ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamas ee Gaza, waxaana loo haystaa in ay galeen dambiyo dagaal.

Karim Khan ayaa sheegay in ay jiraan cadymo ku filan oo muujinaya in labadan ay galeen dambiyo dagaal iyo kuwa bani’aadanka ka dhan ah laga soo bilaabo toddobadii Oktoobar 2023-kii

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Hague ayaa baareysay falalka Israel ee dhulka la haysto saddaxdii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale falalkii Xamaas ee dhawaan.

Netanyahu ayaa dhawaan sheegay rajada laga qabo in mas’uuiyiin sare oo Israel ah lagu daro liiska dadka ay maxkamadda ICC dooneyso ay tahay wax aan la aqbali Karin taariikhdana ay xusi doonto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker