Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya oo Kulan la Qaatay Ganacsatada Somalida

Nairobi (OWN) – Hogaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, waxaana kulankaas ku saabsanaa hadal maalin dhaweyd uu jeediyay Raila oo ay ka cadhoodeen qaar kamid bulshada ka soo jeeda Ismaamulka Mandheera.

Xoghayaha Gudiga ganacsatada Islii, Cumar Axmed oo kulankaas goob joog ka ahaa ayaa Warbaahinta sheegay in Raila Odinga uu faah-faahin ka bixiyey hadalkaas, kaasi oo dadka qaar u dhigeen in hoos loogu dhigayo metelaada ismaamulka Mandheera.

“Waxaa laga hadalay Hadal uu dhawaan yidhi oo ku saabsanaa metelaad Ismaamulka Mandheera, oo dadku si kale u qaateen, oo uu waxkaga sheegay dadka degma Mandheera, taasna wuxuu yidhi waxaa usoo qaatay labo meel oo midna dad yar tahay midna dad badan tahay ayey aheyd ee igama aheyn in Mandheera wax la duudsiiyo, taasna wuu cadeeyaay” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kala hadleen Raila Odinga cabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan canshuuro xad dhaaf ah oo lagu soo rogay, maadama uu yahay hogaamiye siyaasadeed u dhuun-daloola arrimaha dalka.

“Hogaamiyaha hadda dowladda kuma jiro, laakiin waa nin Siyaasi ah oo la socda arrimaha Wadankana Miisaan ku leh, cilaaqad hoose ayey ku leeyihiin madaxda dowladda, markaa Waxaanu IslaGaranay inaanu ka Faaiidaysano Fursadda aanu haysano ee ah inaanu la kulano waxna ka waydiino Arrintaas ayuu yidhi Xoghayaha Ganacsatada Somalida Kenya.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker