Cudud uu ku Haystiyo Markuu Ciidan Adag Waayey Cabdilaahi Geeli Inuu Celiyey Lay Sheeg. By Siciid Gacan ku ceesh

Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan Waxa  jeelka magaalada  hargysa lagala baxay mujaahid dhakhtar oo ka mid ahaa mujaahidinti SNM ee dalka xoreeyey  oo maxkamadu hore  ugu  xukuntay xukun todobaba sano oo xadhig ah hadaba arinkani wa mid ku cusub dhagaha shacabka somaliland .maaha arrin hore u dhacday laakin waad dareemaysa is bedelka jira iyo siday wax isu bedelayaan .waxaynu maqalnaa mar kasta dad waxgarad ah oo leh hadii aan sidan ay waxyihiin laga bedelin iminka hal caare aya jiree boqol caare aya la arki doonaa.  hadaba ninkan mujaahid dhakhtar kala baxay jeelku ma boqolalka caare ayu ka mid yahay? ma kood buur ba so noladay? siday wax yihin ! Meeday maxkamadi xukuntay ?Maxay xukumadu uga hadli wayday?  Cudud uu ku haystiyo marku ciidan adag waayey cabdilaahi geeli inu celiyey lay sheeg. Garaad Wiil waal ba laga guntay Ina rag walaal wuxu ku dhaamo la waa .maslaxadu cid  kasta waa u Dan nin gurigiisu quraarad yahayna maaha inu dadka shiido isagu .Arrinta kale wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Waxa la arki jiray qofka  dhaqanka loo igmanaya inu ahan jiray qof ku haboon oo u qalma lakin iminka masuulka jooga xilka wasaradaas Waxa jirta tabasho ku saabsan buug uu qoray oo macnihiisu yahay cay iyo aflagaado hablo somaliland u dhashay hadaba in badan inu ka garaabo waa laysku dayey lakin may suurto galin marka dadka warbaahinta kaga cabanaya waxan u so jedin laha idinkuna qora bugag kale oo u jawaab ah ee Waxba ha isku mashquulinina inad garawshiyo ka heshaan ninkaas.dhaqankan lagu magacaabayna ma garanayo hadii aan dhaqan kale loo jeedin sida laga wado in nin dumar uu af lagaadeyey ku eedaysan uu wasaaradii dhaqanka iyo hidaha ee qaranka uu wasiir ka ahaado.  Somalidu waxay tidhaahda sadex hadii la arko rajjo kama so jeedo  sodoh xishood la yidhi, sheekh alle ka cabso la yidhi iyo qof oday ah oo  la yidhi reerka sidaa ka daa.

 

siciid cismaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker