Safarkaygii Muuse Biixi Iyo Muddo kordhin Siilaanyo Loo Sameeyo Sidduu U Diidannaa/Waxa Qoray Muniir Axmed Cigaal.

Waxaanu joogna Garoonka Diyaaradaha, safar ayaanu wakhtigaas u baxaynay, dhammaantayo Kulmiye ayaanu wada ahayn inta halkan idinka muuqata. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaanu aad u sii sheekaysanay intii safarka. Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilka hayay ayaa la hadal-hayay. Dhacdada aan xasuusteedu ka bixin madaxayga ee aan maalintaas ka guntay Muuse Biixi waxay ahayd, isagoo Kulmiye guddoomiye ka ah madaxweynaha fadhiyay ee xilka hayayna Kulmiye yahay, wuxuu mawqifkiisa muddo kordhintu ka fogaa oo uu kaga adka Xisbiga Mucaaridka. Waayo Mucaaridku ilaa maxkamad in la saaro Madaxweynaha mayqabin manay shaacin wakhtigaas wayse diidanayeen.
“ Muddo kordhin danbe adeer Somaliland ka dhicimayso, haddii Siilaanyo doorashada qabanwaayo maxkamad ayaa la saaraya waa khasab inay doorasho dhacdo”. Sidaa ayuu yidhi isagoo ka jawaabaya sheeko aanu wadaagaynay oo doorashada ku saabsanayd. Waxaan maanta xasuustayda iswaydiiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tollow maanta mawqifkiisi aha inay soo dhammaatay muddo kordhin layska samaysto Somalilandna ay albaabkaas xidhay tollow Madaxweynahaygu ma qaba. Anigu waan ku niyad sanahay inuu fekerkiisi maalintaas wali aaminsanyahay, Nin wayni waa kii yaqaana in wax kasta dhammaad leeyihiin. Hadiise uu isbadalay maanta oo uu kursiga ku fadhiyo 192-maalmoodna u hadheen waxaynu xasuus ahaan u gaadhsiinayna “Madaxweyne ha doon doonan kordhin, kadaa ha doon doonan maanta ayay ka adagtahay maalintaas aad qabtay in aanay Somaliland dib uga dhicidoonin muddo kordhin danbe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker