Cabsi Soo food saartay Muslimiinta Dalka Sri Lanka

“Wixii ka dambeeyey weerarradii dhacay ciiddii Masiixiga , dadka aan Muslimiinta ahayn ee magaaladeenna ku nool waxay noo arkeen argagixiso,” ayuu yidhi M.H.M. Akbar Khan.

Waxa uu ka hadlayey weerraradii is miidaaminta ahaa ee lagu qaaday saddex kaniisadood iyo saddex hoteel oo kuwa raaxada ah oo lagu dilay 250 qof. Waxaana weerarradaas lagu eedeeyey koox xagjir ah oo ka hawlgasha dalka Sri Lanka.

Ayadoo dadka Muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku nool ay ku jireen soon iyo salaad si ay u gutaan waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa koox yar oo ku sugan dalka Sri Lanka waxa ay sameeyeen wax aan horay loo arag si ay isaga fogeeyaan kooxaha qaswade yaasha ah. Waxayna burburiyeen masaajid.

Taas oo ah mid meel ka dhac ku ah Diinta islaamka in gurigii ilaahay Loo burburiyo iyadoo La Raali galinayo Makhluuq daciifa

Akbar Khan waxa uu ka mid ahaa dadka mas’uulka ka ah masaajidka ugu wayn magaalada Madatugama, oo ku taal badhtamaha dalka Sri Lanka, waxa uuna BBC-da uga warramay sababta ay tallaabadaas xagjir ah u qaadeen.

“Weerarradii kaddib waxa ay booliisku si joogto ah u imaanayeen masaajidka, arrintaas oo dadkii walaac ku abuurtay. waxaana kordhay is aaminaad la’aanta naga dhex jirta annaga iyo bulshooyinka kale.”

Waxaa la sheegay in masaajidkaas ay ku tukan jireen xubno ka tirsan kooxda Thowheed Jamath (NTJ), kooxdaas ayaa lagu tuhunsan yahay in ay qaadeen weerraro ismiidaamin ah oo dhowr ah kuwaas oo dalkaas gilgilay bishii April.

Weerarka kaddib, Xukuumadda Sri lanka waxa ay bilowday in ay ugaarsato kooxda Thowheed Jamath (NTJ). Waxayna Mas’uuliyiinta dalkaasi xidheen masaajidkii kali ahaa ee ay gacanta ku hayeen kooxdaasi kuna yaalley magaalada Kattankudy oo kutaal Bariga dalkaas.

Masaajidka Madatugama ma ahayn mid fac wayn waxa uu ahaa masaajid yar oo ay maamulaan koox qunyar socod ah oo wax xidhiidh ah aan la l ahayn weerrarada dalkaas ka dhacay.

Go’aan la isku raacay

“Waxaan horay u lahayn masaajid magaaladeenna kuyaal kaas oo ku filan qoysaska Muslimiinta ah ee deegaankan ku nool. Balse dhowr sano ka hor, koox kale ayaa masaajidkaan dhistay.”

Xubnihii ka tirsanaa masaajidkii hore ayaa kulan qaban qaabiyey bishii May, kaas oo ay ku go’aansadeen in masaajidkaas oo khilaaf ka dhex abuuray bulshada meesha laga saaro. ayagoo adeegsanaya dubbeyaal iyo badeello ayay dhulka la simeen masaajidkii.

“Waxaan bur burinnay manaaradihii iyo hoolkii lagu tukan jiray dabadeedna dhulkii uu ka dhisnaa masaajidku ayaa loo celiyay dadkii lahaa,” ayuu intaas ku daray.

ku dhawaad 70 boqolkiiba dadka reer Sri lanka waxay aaminsan yihiin diinta Buddhism. Dadka Hinduuga ah ayaa ku xiga oo kaalinta labaad ku jira waana 12 boqlkiiba, Muslimiinta ayaa ayaguna ah 10 boqolkiiba halka Masiixiyiintuna ay yihiin 7 boqolkiiba.

Muslimiinta dalkaas ayaa ku hadla luuqadda Tamil-ka. Balse sababo siyaasadeed iyo kuwo taariikheed oo adag awgood, Muslimiintu waxay isu arkaan koox ka gooni ah dadka ku hadla Af Tamil-ka.

Goobtii Ilaahay

Balse dadkoo dhan masoo dhawayn tallaabadan xagjirka ah . Dhammaan culimada ugu sarraysa Muslimiinta Jasiiraddaas kunool ayaa sheegay in loo baahan yahay in goobaha cibaadada aan la fara gashan.

“Dhammaan masaajidyada Ilaahay ayaa iska leh, ayadoo aan la eegayn cidda maamusha. burburintooda iyo waxyeellayntooda waxa ay kasoo hor jeeddaa dhaqanka Islaamka” ayay culimadu ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen.

Diiwaanada dawladda ayaa lagu sheegay in 2596 oo masaajid la diiwaan galiyay guud ahaan dalka Sri Lanka, 2435 oo masaajid ayaana shaqaynaya. waxaana jira tobonaan masaajid oo kale oo aan diiwaan gashanayn kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah laga haajiray.

Wahaabiyada

“Bulshadu waxay ku baddali kartaa goobahaas maktabado iyo xarumo caafimaad, haddiise aan kusii soconno dariiqa masaajid burburinta waxay taasi horseedaysaa in boqolaal masaajid la burburiyo,” ayuu yidhi Dr A Rameez, oo ka tirsan jaamacad ku taal Sri Lanka.

Waxa uu qiyaasayaa in 10 ilaa 15 boqolkiiba dhamaan masaajidyada kuyaal dalkaas ay maamulaan kooxo xagjir ah.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, qaar badan oo ka mid ah kooxaha Muslimiinta ah waxay qaateen madhabta Wahaabiga kuwaas oo dad badan duufsaday.

Muslimiinta reer Sri Lanka ayaa sanooyin badan u dul qaadanyay dad xagjir ah oo xataa Muslimiinta gaalaysiiye.

Hase ahaatee aamusnaanta bulshada ayaa qolyaha xagjirka ah ka caawisay in ay hirgaliyaan isbaddala ay doonayaan, sida uu sheegay Dr Rameez.

Dalka Sri Lanka oo ah dal aad u kulu ayaa haween badan oo Muslimiin ah waxay xidhan yihiin xijaabbo waawayn, waxaana waddooyinka iyo dhismeyaasha magaalada Kattankudy, t ku qoran qoraallo af Carabi ah – ayadoo bulshada halkaas ku nool aanay akhrin karin qorina karin af Carabiga.

Hase ahaatee xukuumadda dalkaas ayaa xoog ku riixaysa in ay arrimahaas isabaddal ku samayso. wixii ka dambeeyey weerarradii bambaano ee dalkaas ka dhacay, xukuumaddu waxay meel fagaare ah dab ku qabad siisay indha shareerka ay haweenku xirtaan. Waxayna soo rogtay amar ku aaddan in la adeegsado afafka Sinhalese, Tamil iyo English oo ay yihiin afafka rasmiga ah ee dalka Sri Lanka.

Xukuumadda Sri Lanka ayaa soo rogtay xaalad deg deg ah, balse waxa ay xukuumaddu sheegtay in dhammaan dadkuu ku lug lahaa weerarradaas ay noqdeen wax la laayey iyo wax xabsiga la dhigay. xaaladda deg degga ah ayaa ku eg 22-ka bishaan June.

Dhammaan Muslimiinta dalkaas ayaa wali dareemaya cadaadis kaga imaanaya dhinacyada oo idil.

Cabsi

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa cirka isku sii shareeray, kaddib markii dadka aaminsan diinta Buddhism-ka ee xag jir ah ayaa ku hanjabay in ay cunta ka soomayaan haddii aan xilka laga qaadin oo aan meesha laga saarin labo wasiir oo Muslimiin ah.

Labadaas wasiir ayaa iska casilay xilkii ay hayeen – siddeed kale oo wasiirro Muslimiin ah ayaa sidoo kale iska casilay golaha wasiirrada.

Bulshada Muslimiinta ayaa waxaa soo food saaray caqabado dhowr ah, kaddib markii ay dhaceen weerarradaas la sheegay in ay ka dambeeyeeen kooxo xagjir ah.

Balse xaaladda magaalada Madatugama, ayaa waxoogaa soo hagaagtay.

“Burburintii masaajidka kaddib, waxaa yaraatay cadaawaddii naloo qabay, Dhammaan bulshooyinka kale ayaa bilaabay in ay daris wanaag noo muujiyaan. Waxayna arrintaasi yaraysay xiisaddii taagnayd,” ayuu yidhi Akbar Khan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker