Daweyntii ugu xumeyd taariikda iyo dad cudurro ka qaaday dhiig lagu shubay

Dadka ay saameysay fadeexadda dhiigga ee hay’adda caafimaadka Ingiriiska ee NHS ayaa sugayey “waqti aad u dheer” jawaab, sida uu sheegay xoghayaha dDfaaca Britain.

Grant Shapps ayaa  sheegay  in qoysaska la dibindaabyeyay “in ka badan tobannaan sano”.

Warbixinta kama dambaysta ah ee ku saabsan waxa loo arko inay tahay dawayntii ugu xunmeyd ee taariikhda adeegga caafimaadka ayaa lasoo saarayaa maalinta Isniinta.

Ku dhawaad ​​3,000 oo qof oo ay adeegga caafimaadka NHS siiyeen dhiig qaba cudur intii u dhaxeysay sannadihii 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii ayaa dhorrey u dhintay.

Mr Shapps wuxa uu sheegay in uusan xaqiijin karin baaxadda lacagaha magdhowga ah ee la siinayo dhibanayaasha, mar wax laga weydiiyay warbixinta Sunday Times ah, oo qiyaastay inay gaari karto ugu yaraan £10bn.

In ka badan 30,000 oo bukaan oo NHS-ta ah ayaa la siiyay dhiig siday cudurro taas oo lagu magacaabo musiibadii dawaynta ee ugu xumayd taariikhda NHS-ta.

Waxa loo malaynayaa in kumannaan qof ka dib ay u dhinteen cudurada HIV ama cagaarshowga nooca C ka dib daawaynta lagu sameyay balaasmaha dhiigga ama dhiig ku shubista.

Waxa ay ahayd sannadkii 2017, xilligii Theresa May, markii baaritaan rasmi ah oo ku saabsan fadeexada la sameeyay, ka dib sannado badan oo olole ay wadeen dhibanayaashu.

Baaritaanka, oo uu guddoominayey garsoorihii hore Sir Brian Langstaff, ayaa soo jeedin doona talooyinka ugu dambeeya maalinga Isniinta, iyadoo dowladda la filayo inay ka bixiso jawaab rasmi ah inta lagu jiro toddobaadka gudiihsa .

Iyadoo la raacayo talooyinka baaritaanka, sannadkii 2022kii dowladdu waxay bixisay lacag-bixin ku-meel-gaar ah oo dhan £100,000 taas oo la siiyay qof kasta oo ka mid ah ilaa 4,000 oo dhibanayaal ah oo badbaaday iyo qaar dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker