Golaha Wasiiradda Israa’iil oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo Qasa dagaalka kadib

Wasiir ka tirsan xukuumada dagaalka ee Israa’iil Benny Gantz ayaa ku hanjabay in uu is casili doono haddii aanu Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uusan dejin qorshah dagaalka ka dib ee marinka Qaza.

Mr Gantz ayaa u qabtay 8-da Juunyo maalinta kama dambaysta ah ee lagu gaarayayo qorshe ka koobaan lix qoddob oo ” istiraatiiji ah “, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo samaynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

“Haddii aad qaranka ka hormarisaan shaqsiga, waxa aan noqon doonaa saaxiibada halgank” ayuu yiri. “Laakin hadii aad doorataan dariiqa xagjiriinta oo aad umadda oo dhan ku hoggaamisaan god, waxaa nalagu qasbi doonaa in aan dowladnimada ka baxno.”

Mr Netanyahu ayaa hadalkaas ku gacan seeysaty waxana uu ku tilmaamay “Erayo aan macno lahayn” oo la macno ah “guuldarada Israa’iil”.

Khilaafka sii kordhaya ayaa kusoo aaday iyadoo Marinka Gaza uu dagaal ka socdo, iyadoo ciidamada Israa’iil ay howlgak ka wadaan koonfurta magaalada Rafah iyo magaalada Jabalia ee dhacda waqooyiga, oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee taariikhiga ah ee Gaza, isla markaana ah goob ay ciidamada Israa’iil horay u sheegeen inay ka saareen. Dagaalyahanada Xamaas.

Mr Gantz ayaa arintan ka hadlayay maalmo uun ka dib markii xubin kale oo ka tirsan golaha wasiirada dagaalka, Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, uu ku boorriyay Netanyahu in uu si cad u sheego in Israel aysan wax qorshe ah ka lahayn inay la wareegto maamulka rayidka iyo kan militariga ee Gaza.

Mr Gallant waxa uu sheegay in uu arrintan ku celceliyay bilo balse aanu wax jawaab ah ka helin.

Isaga iyo Mr Gantz waxay sheegeen in joogista awoodda milatari ee Gaza ay kordhinayso khatarta ammaanka ee Israel, halka kuwa kale, oo ay ku jiraan xubnaha midigta fog ee isbahaysiga talada haya ee dowladda Netanyahu, ay rumaysan yihiin in sii wadida xakamaynta ay lagama maarmaan tahay si looga adkaado Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker