WARQAD FURAN KU SOCOTA WASAARADDA PETROOLKA IYO MACDANTA

Marka aynu dib u milicsano waxay ku dicijirtay maamuladi jiray lixaneeyadii Somaliland amma Goboladii waqooyi waxa ka soo bixi jiray lacag dhan Shs. 3-3.5 million bishii. Lacagtaas waxay ku hoyanjirtay khasnada dowladda oo Xamar laga maamulo.

Lacagtaas waxa ka soo noqon jiray oo Waqooyi ku soo noqonjiray (hal million) oo mushahaarooyin ah oo keliya taas oo keentay wax qabad La`aan ka dhacda goboladdii waqooyi.

Aan u soo noqdo dulucda, waxa manta dalkeena Somaliland ka jira baadhitaano petrool iyo macdan qarkoodna la dhoofiyo imika sida shirkadda Simodi ee gobolka Awdal macdanta ka qodaysay muddada dheer. Markaas waxaan leeyahay khyraadka ka soo baxa gobolada yayna noqonin mushahrkii Xamar Ka soo noqonaayey oo kale, gobolada wax ka soo baxayaan haloo qoondeeyo wax go`an oo % wixii soo baxa oo loogu talagalo horumarka gobolka iyo degmada ay wax kasoo baxayaan taas oo noqonaysa dhiirigelin iyada oo aan La`ilaabayn goboladii kale ee aan wax kasoo baxaynin.

 

Ku darso, tobanka shaqaalaha ah ee degmada laga qorayaa mushaharka la siiyaa waxba kama doboolayso baahihii horumarneed ee ay u baahneed deegaanku.

 

Haddii taa wax laga qabanwaayo oo layska indhatro intaa ay goori goor tahay,
waxa immandoonta maalin arrintu xumaato oo sharcigu shaqeeyo oo makamadaha layslagalo oo ay ka dhacdo MUDUCI IYO MADACALAY oo dhex marta dadka deegaanda iyo dawlada Somaliland.
Arrintaasi waa talon nin wayn yaan maamulka Wasaaradu dhayalsan.

 

ALLA MAHAD LEH – KA LA AAMINAA WAA EEBE.
Qore waa
Qaadi-Magan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker