Liverpool oo wada-xaajood la bilawday wakiillada Kingsley Coman

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si toos ah wada xaajood ula bilawday wakiillada laacibka Bayern Munich ee Kingles Coman iyadoo ay xusid mudan in xiddigan aabbihiis uu doonayo inuu wiilkiisa ku arko isagoo ka ciyaaraya dalka Ingiriiska.

Wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee Sport 1 ayaa xaqiijiyay inay naadiga Reds dooneyso saxiixa laacibka garabka ka ciyaara isla markaasna durba ay bilawday u dhaqaaqista soo xero gelintiisa.

Qandaraaska Coman ee garoonka Allianz Arena ayaa dhici doona sanadkan 2023, balse waxaa kooxda Bayern ay dooneysaa inay heshiiska u kordhisto 25-jirkan si uu baaqi ugu sii ahaado safkooda.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Faransiiska ayaa ka cago jiidaya inuu qalinka dul dhigo heshiis cusub, waxaana uu shuruud ka dhigay in la siiyo mushaharaad la qiimo ah midka uu kooxda Bavarians ka qaato Robert Lewandowski.

Sidaas darteed, haatan waxaa Coman lala xiriirinayaa u dhaqaaqista horyaalka Premier League, waxaana saxiixiisa diyaar u ah Liverpool oo wada-hadallo horudhac ah la bilawday wakiilladiisa.

Gool FM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker