Urdun oo diidday in ay la cayaarto Israa’iil iyo ganaax la saaray

Urdun ayaa go’aansatey in aanay xulkeeda kubbadda koleyga u dirin Koobka Adduunka ee 19 jirrada oo la qorsheeyay in uu dhaco Axaddii todobaadka. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza uu socdo in ka badan 20 bilood.

Bayaan uu soo saaray xidhiidhka Kubadda Koleyga Urdun ayaa lagu sheegay in ay ka codsadeen dhiggooda caalamiga ah “in aan la ciyaarin ciyaartaas,” iyaga oo xusay in xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda koleyga (FIBA) ay go’aansadeen in aan la qaban ciyaarta dhexmari lahayd labadan dhinac, dhibcahana la siiyo dhinaca kale. FIBA ​​ayaa xaqiijisay in dhiggeeda Urdun uu ku wargaliyay go’aanka ah in aan ka qeyb galin ciyaarta, sida lagu shaaciyay mareegta rasmiga ah ee tartammadaasi waxa Israa’iil loo qoray in ay ku badisay 20-0.

Inkasta oo xidhiidhka kubbadda kolayga ee Urdun uu diiday in go’aannadaasi ay ku lug leeyihiin wax siyaasad ah, haddana wargeysyada Israa’iil ayaa rumaysan in uu jireen “cadaadisyo siyaasadeed” oo dhaliyay in Urdun ay go’aankaasi qaadato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker