Heego Haram oo sii daysay Xildhabaan Dhakool ooy hore u qafaalatay

Warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Heego Haram ay sii daysay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ooy hore uga qafasheen gurigiisa oo ku yaal magaala weynta Hargeysa , ninkaa xildhibaanka ah waxa loo qafaashay siday Boko Haram Nigeria wax uga qafaalato . Waad ogtihiin Boko Haram wax ixtiraam ah uma hayso sharciga iyakaa sharcigooda gacanta ku sita wax ixtraam ah iyo aqoonsi toona uma hayaan Maxkamadaha dalka Nigeria, Barlamaanka Nigeria na hadalkiisaba iska daa..

Heego Haram waxay saldhig ka dhigatay halkii la odhan jiray Madaxtooyada .Saldhiga waxa fadhiya Gashaanle sare Khadar Buraale aka Khadar Widha ninku waa laangadhe Macaruuf wuu ka awood badan yahay labada Sareeye Gaas ee Boliiska wuxuu amarka si toos uga qataa  Jaalle Maxamed Cali Bile aka Xariif Tuulo waa budhtuuraha Madaxtooyada ……….. Saldhigan Widha ee Madaxtooyada ma aqoonsana xasaanad Xildhibaan iyo Xildhibaan toona ma aqoonsana haya’ado garsoor iyo Maxakamado toona Heego Haram iyakaa sharciga gacanta ku sita meeshu waxay u eg tahay in lagu xukumayo MARSHAL LAW…..

Horjoogaha Heego Haram Jaalle Muuse Pilot qoladan adeegsata  Saldhiga Widha ee barigii hore la odhan jiray Madaxtooyada Somaliland , qoladaa adeegsata Saldhiga Widha ee  Heego Haram Intaanay hawlgelin iyaka waxa soo gubaabiya qolo Social media ha  / Mafrashyada qaadka ka qaylisa oo aanan waxna akhriyan waxna qorin waa kuwo uu lacag siiyo Jaalle Maxamed Cali Bile aka Xariif Tuulo  ………..Qoladaa uu Jaalle Maxamed Cali Bille maamulo markay goostaan in qofkaa la xidho muhiim maha inaan sharci ku qabaneyn maha muhiim inaad xasaanad leedahay  SALDHIGA WIDHA  haduu doono inuu ku xidho wuu ku xidhayaa , Period ! …………… Ogow halka lagugu xidhayaa maaha Saldhiga Widha waxa lagugu xidhayaa qol bina’aadminimada ka baxsan ayaamaha hore ooy ku leeyihiin C.I.D ama dambi baadhista kadibna qayb ka mid ah jeelka Hargeysa  wuxuba waxay ka  amar qataan saldhiga Widha .

Adigu qoladaa kor ku xusani markay is dhiirgeliso in qofkaa lasoo qabto  Duqa Jaalle Muuse Pilot ayey u tagayaan iyagoo wata dhawr odayaasha Heego Haram ah sida Macaali Wasiir Samaale oo maskax sac afar jir ihi ku jirto oo isagu deg deg u cadhoonaya sida Jaalle Muuse Pilot oo cadho kadib ku qancaya in qofkaa lasoo qabto markaa amarka waxa la siinayaa Jaalle Khadar Buraale aka Khadar Widha ninkani wuxuu ku xigeen ka ahaa RRU intaan inadeerkii wadanka qabsan kudarsoo Muwaadin 85%  boqolkiiba shan iyo sideetan dadka ka hawlgala Sadhiga Widha Ex – Madaxtooyo waa reer Guleed Qadiye wa jilib reer Samatar ah waa isla kuwii magaca Jaalle Muuse Pilot kitaabka kariimka ee qur’aanka ah kusoo qoray waa jilibka uu yahay Jaalle Muuse Pilot .

Boko Haram Nigeria dadka waxay kusoo daysaa cafis oo cidi kuu shafeecad qaado ama in madax furasho lagaa bixiyo  lacag adag …….  Heego Haram waa la mid Abwaan Baashe  iyo Macalin Cabdiqaadir ooy maxkamadu wax ku wayday wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa maxkamada racfaanka u yeedhiyey waxa lagu xukumayo iyo lacagta laga rabo midkiiba $ 620.000  ………. Xildhibaan Dhakool isaga  qolo Hargeysa ku sugan ayey ku yidhaahdeen Heego Haram u shafeecad qaada nimankaa  Dhulbahante sheeganayey iyo warkoodu Caro Dhulbahante cadho iyo ka sii fogaansho maalinta IDOOR EE 18 MAY waxaan ahayn lagama  faa’idin.

Gudoomiye Xaaji Suleymaan Nur ayaanu kalmad khayra leenahay , Xaajow aakhirul cumri baad tahaye Heego Haram haku aakhiro seegin   inaad Heego Haram aad doorkan furdaamisay iyakoo ay jiq ku tahay arrinka Xildhibaan Dhakool waa arrin fiican lakiin kalmadaha qaar yaaney Heego Haram Afka kuugu ridin wareysigii aad bixisay waxaad tidhi Xildhibaan dhakool dambi buu galay waad ogtahay Maxakamadii inay tidhi kiis ma jiro Barlamaankii dhamaa yidhi xasaanad ka qaadi mayno ,  adiga oo gudoomiyihii Guurtida marjicii dalka ugu dambeeyey inaad Salidhiga Widha ku milantaa oo aad kalmadahoodi isticmaasha waa mucjiso, hadalka ku habonaa waxay ahayd inaad tidhaahdid ODAYGA  DHAKOOL AH KALMADI KA DHACDAY lakiin inaad ku sheegtid dambiile waa laga qurux badan yahay……….

 Wa tabtii Jaalle Muuse Pilot uu dadka ula soo hor istaagay Boqorka Afrika AL-Ustaad Boqor Buurmadow waa dagaal ooge hada waa Madaxweynihii dhamaa oo Jaalle CabdiMalik , Jaalle Dhakool Iyo Jaalle Dhame Waa dambiilayaal shalaytona waydun la socoteen  in ganacsada Axmed Cismaan Geelle saldhiga Widha Maxkamadeeyey Jaalle Hunu Hunu isagu waa afhayeenka la yidhaah Maxakamada Saldhiga Widha warkeeda dadka u sheeg lakiin wax badan ma oga .

In Madaxweynuhu Madax dhaqameed media ku maxkamadeeyo Madax dhaqameed sida Boqor Buurmadow waxay ceeb ku tahay xafiiska Madaxweynaha  “ Mr. Muse Bihi’s comments were beneath the dignity of the office and it sounded repeatedly as a murderous dictator …. “ Markay habeenkii oo odhan been ku shubaan Heego Haram ayuu doonayaa inuu subuxii kaa dul akhriyo…..  Anaku waanu caynaa boqorka markaanu doono lakiin caamada uu boqorku xukumo ayaanu ku jirnaa..

Lacagtii  Beeldaajiyaasha uu siin jiray Madaxweyne AL- Xaaji Axmed Silaanyo waxa la siiyaa kurayo mudhuxsan oo habeenoo dhan dadka ka caaya Social Media xataa kuwo aanad modeyn baa ku jira sida Jaalle Shiine Culay oon cadayn keenayno hadii loo baahdo waa $ 200 ilaa $500 la siin jiray Cuqaasha iyo Saladiinta ayaa iminka Soacial Media la siiyaa . Lacagtii iskuduwayaasha loo diri jiray ama MHC ama Ambulance yar tuulo tuulooyinka ka mid ah lagaga hirgalin jiray siiba Gobolada Bari iyadoo biirtay oo ah $38.000.000 sideed iyo sodon million ayuu Jaalle Muuse Pilot u diray xagaa Eedo Khadra Xayd lacagtii Bariga Jabuuti baa lageeyey Jarmalkiina waxa la yidhi Gabilay iskuul farsamo  Gacan nooga dhisa Burco waa bacadee taa markale ayeynu ka hadli donaa Insha’a Allah ……

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker