Dhibaatada Cilaajyada

Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Aadan Cabdalle oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday Hargeysa, ayaa sheegay in saddex qof cisbitaal oo dhigay Xabaasuud iyo Toon la isku daray oo uu ku muday ama ku durey nin cilaaj ku haysta magaalada Balli-gubadle.

Dadkan ayaa cisbitaal la dhigay , waxaana dacwada arrintani hor taallaa maxkamada gobolka Maroodi-jeex.

Magaalada Laascaanood , waxa uu sheegay in uu geeriyooday nin lagu muday Xabaasuud iyo Toon sanka lagaga shubey.

Halka Hargeysa gabadh xanuunsatay oo la geeyay cilaaj , uu wadaadkii xarunta haystay gabadhii faro xumeeyay , iyada oo yeelatay uur ay ku dhashay laba carruura oo mataano ah.
Gabadha oo la qabay, waxa furey ninkeedii oo ahaa askari ku sugnaa Saylac .

Wadaadkii cilaajka haystay , ayaa baxsaday oo la waayay meel uu jaan iyo dhib dhigay.

Mohamed Boosh

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker