Diblomaasi Eritrean Ah Oo Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in dib loo siiyo “dhalashadiisa Soomaaliya”

Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya.

 

Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii.

 

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaadhka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo.

 

Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika.

 

“Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea,” ayuu yidhi.

Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker