Maydh iyo Xiis

Magacyadan Maydh iyo Xiis, waa magacyo dalka Yaman inooga yimid, oo Yamanta ayaa inoo soo waariddey, oo Yamanta ayaa magaalo-xeebeedyadeena ula baxdey, ama u bixisey; oo inaguna magacyadaas ayaynu ugu wan-qalney.

  1. Maydh ama Maydi (ميدي) waa degmo ka tirsan gobolka Xija, ee dalka Yaman.
  2. Xiis ama Xays (حيس) waa magaalo taariikh leh, oo gobolka Xudeyda, ee dalka Yaman ka tirsan. Boqor Xiis (Xays) Bin Yariim ayaa magaaladan Xiis (Xays)  aasaasey. Sidaas darteed, isaga ayaa magaaladan Xiis (Xays) loogu magac-darey.

Sideedaba, Yamantu, xidhiidh soo-jireen ah, ayay xeebaheenna la lahaan jirtey, oo saameyn badan ayay xeebaheenna kaga tagtey. Yamantu, qaxitaan, tacabirid, ganacsi iyo diin fidin, ayay inagu soo gaadhey.

Tusaale:

Dagaal-qabiileed iyo dagaal diimeed, ayaa Yamanta soo daashadey, oo in badan kala qaxiyey. Sidaas darteed, muhaajiriin badan, oo qabiilka Aala-Isxaaq ay ka mid ahaayeen, ayaa xeebaheenna, sida Maydh iyo Xiis, waqtiyo kala duwan iyo ujeeddooyin kala gaar ahaaneed, ku soo kala gaadhey.

Maxamed Sheekh Daahir

sheekhdaahir@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker