Uganda oo askarteedii Howlgab ahayd u soo Daabuleysa Soomaaliya

Muqdisho (OWN)-Taliska milatariga Uganda ayaa Arbacadii dib ugu yeedhay 2,700 oo kamid ah Askarta howlgabka ah ee dalkaas si ay Uga qeyb noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya.

 

Charles Otema, Taliyaha ciidamada keydka Wadankan ku yaalla  Geeska Afrika, ayaa war qoraal ah ku sheegay in cutubyada la faray in ay kusoo Xaroodaan ugu dambeyn Isniinta Todobaadka soo aadan.

 

“Hawl-gabyadan  la wargeliyey waxay ku biiri doonan howlgalada Guutooyinka 31aad iyo 32aad ee Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee taliska AMISOM,” ayuu raaciyey.

 

Otema ayaa Xusay askarta howlgabka noqotay ee dib loogu yeedhay ay yihiin kuwa haysta darajada Gaashaanle iyo wixii ka hooseeya.

“Shuruudaha laga rabo waa in ay 55-jir yihiin ama waxa ka hooseeyaa, in aysan gelin fal-dambiyeed. Murashaxiinta waxaa la marsiinayaa tijaabo caafimaad, mid jireed iyo mid mas-kaxeed,” ayuu tibaaxay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo howlgab ah ay Uganda u soo dirto Soomaaliya si ay nabadeynta uga qeyb-qaataan.

Sidda laga soo xigtay Otema, 2012-kii, howlgaladii lagu xoreeyay waqoyga Muqdisho waxaa kaalin ku lahaa askar howlgab ah.Sikastaba, Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa marka laga hadlo dhanka ciidanka milatariga waxaa ku wehliya dalalka; Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker