Maya ma bedeli karno !

Ciidanka Socdaalka Somaliland: Geesiyaashii Foojignaa.

Asalaamu Calaykum

Waxay ahayd horraantii bishii Oktoobar ee sanadkii 2016 waxa ii yimi Mudane Axmed Xasan Carwo oo imika ah Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo waagaas ahaa La-taliyaha arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweyne Siilaanyo oo iga codsaday inaan u raaco Xarunta Laanta Socdaalka ee Hargeysa.

Xiligaas Axmed waxaa ka lumay Baasaboorkiisii Ingiriiska ahaa, waxaanuu doonayay inuu Dalka UK u dhoofo oo uu ku biiro wefdi ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo xiligaas ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Dalka UK u socdaalayay.

Hadaba Axmed waxa uu damcay inuu Baasaboorka Somaliland qaato oo markuu Adisababa gaadho uu safaarada Ingiriiska ka qaato Baasaboor British ah, ka dibna wefdiga oo maalmo ka sii horreeyay uu ka daba tago si uu gacan u siiyo.

Markii aanu tagnay xarunta laanta socdaalka ee uu Axmed dalbaday Baasaboorkii Somaliland waxay saraakiisha socdaalku weydiiyeen kaadh dhalasho iyo kaadhkii codaynta doorashada, waanu u dhiibay, balse waxa uu Axmed codsaday in bisha dhalashada oo ka duwanayd ta Baasaboorka Ingiriiska ah la isu waafajiyo, hadii aanan khaldanayn Sanadka dhalashadu isku mid ayuu ahaa bisha iyo maalinta ayaa kala duwanaa.

Askarigii laanta socdaalku wuxuu yidhi suurto gal maaha inaan taariikhda dhalashada bedelo oo awwood uma lihi, dabcan Askarigu wuu na garanayay in Axmed Carwo ahaa La Taliye Madaxweyne, aniguna aan ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Qorshaynta, hase-yeeshee askarigu shaqadiisa ayuu qabsanayay oo dan kamuu lahayn xilalka aanu haynay. Dabcan anaguna sidii ku jirtay riwaayadii Sooraan maanaan odhan waar waxan aanu sidanaa miyaanuu laptop ahayn ! Umanaanaan atoorayn askarigii ee waxaanu ka codsanay inuu Taliyaha laanta Socdaalka Gen. Dayib uu noola hadlo si aanu codsi ugu gudbino.

Nasiib wanaag Taliyihii Dayib ayaanu aragnay oo aanu ka codsanay inuu taariikhda Baasaboorrada isu laaya waafajiyo. Taliye Dayib intuu si ixtiraam ku jiray noola hadlay ayuu yidhi Awood uma lihin inaanu taariikhda dhalashada bedelno maadaama uu Kaydka Dawlada ku jiro macluumaadka kaadhka dhalashadaada iyo ka codayntu, wuxuu noo sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo keliyi uu na caawin karo.

Waxaanu usoo dhaqaaqnay xagii Wasaarada Arramaha Gudaha, waxaanu la kulanay oo aanu arrinkii aanu u soconay u sheegnay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Mudane Jaamac Biin iyo Amb Abdifataax Siciid oo wakhtigaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada, nasiib darro go’a ayay noo rideen waxaanay noo sheegeen in aanay awwood u lahayn inay taariikhda dhalasho ee Kaydka Qaranka ku jirta ay bedelaan , waxaanay nagula taliyeen in aanu Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulano oo keligii uu awwood u leeyahay bedelkaas.

Xiligaas waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Wasiir Yaasiin Faratoon oo nasiib wanaag aanu kula kulanay isaga oo Wasaarada soo gelaya, xafiiskii ayaanu la fadhiisanay oo uga warranay hawshii aanu u soconay, isaga oo aad uga cago jiidaya ayuu noo Amrray in taariikhdii la saxo. Waxaana Wasiirku uu noo sheegay inay aad u adkeeyeen in la bedelo taariikhaha dhalashada wixii aad iyo aad u daruuri ah ee ay ka fursan weydo mooyaane.

Dabcan Dawladnimada iyo Nidaamka Maamul ee Somaliland ka dhismay kana hana qaaday waa mid aad iyo aad uga qoto dheer sida ay dadka qaarkii u haystaan.

Ha dhayalsanina Dawladnimada Somaliland ….

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Attachments:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker