Hay’adda Socdaalka Soomaaliya Oo Dib U Bilawday Daabicista Baasaboorka Soomaliya

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, xilli labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka.

Shirkadda qaabilsan daabicista Baasaboorka Somaliga oo gacanta ay ku hayaan rag Masaari ah ayaa la sheegayaa in afartii Cisho ee la soo dhaafay ay bilaabeen daabicitaanka Baasaboorka oo Bulsho badan oo Somaliyed ay u xanibnaayeen.

 

Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Somaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Somaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga.

 

Lama oga sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa soo dhaweeyay xalinta mushkiladan.

Dad badan oo arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa Baasaboorka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker