DJABOUTI OO XIGMAD IYO XARFAD KULA WAREEGAYSA XOOLAHA GEESKA AFRIKA.

Djabouti haddii aynu dib u milicsano waxay ka aasaasantay Gumsystihii Faransiiska markuu soo fadhiistay xeebta Strategy ah SOMALIDA iyo Canfarta waa Obokh iyo Djabouti EE uu QAYB u helelay dal-ballaarsigii reer yurub ay adduunka ku soo qaadeen qarnigii 19aad . Wadanba si buu ula falgalay gumaystuhu markuu Afrika yimi , Djabouti iyo Kenya si isu eeg ayey ula falgaleen gumaystihii Faransiis iyo Ingiriis waanay soo dhoweysteen shaqaale hoosaadna way u noqdeen ,xummaan iyo sammaanba wax bay ka barteen  oo way daba galeen illaa yawmanaa HADDAA, Waana sababaha ay siyaasaddoodu uga qotto dheertay ta SOMALILAND iyo ta Somalia.

Haddaan in yar bidhaamiyo sida Berbera iyo Djabouti isu dhaafeen boqolkii sano EE u dambeeyey,  waxa mar kala  fadhiyey Ingiriis iyo Faransiis  xagga bilawgii aasaaska tacliinta Dugsigii u horreeyey ee Berbera laga furay EE Somali British Protectorate oo ahaa kii  SOMALILAND ugu horeeyey Dagaalbaa  ka dhacay u dhexeeyey qaladuurayaashii mulcaamadaha ka macalimiinta ahaa iyo Macalimiinta Academy ahaa EE ugu horeeyey EE uu hogaaminayey Father of Education Maxamuud Axmed Cali iyo macalimiin kale oo dhammaan Jaamacadaha Sudan EE casriga ah ka soo baxay. DAGAALKA Berbera ee Dugsigii u horeeyey ALBAABADAA LA ISUGU DHUFTAY OO SHACAB KII WUXUU LA SAFTAY WADAADADII XILIGAA OO DUGSIYADA GAALO KU SHEEGAY, MACALIMIINTA WAA LAGU DHAAWACAY MARKAASAY U YAACEEN XAGGA BURCO,  HARGEYSA IYO BORAME.
BERBERA IYO DJABOUTI  WAQTIBAY ISKU HEER MARAYEEN XILIGII GUMAYSTAHA OO WELIBA BERBERA KU HOGGAAMINAYSAY XAGGA (LITERATURE)KA IYO JACAYLKA IYO WAREEGTOOYINKA GABAYADA EE JACAYLKII CILMI BOODHARI IYO HODAN CABDI OO ILLAA MAANTA XADANTEEYA QALBIGA SOOMAALIYI MEEL AY JOOGTABA.
Haddaan u soo daadego mawdiicii uu maqaalkaygu u holaday EE ahaa Djabouti oo si xigmad iyo xarfadi ku jirto ula wareegeysa XOOLAHA NOOL EE Geeska Afrika dhoofintooda hadday wadadaasi hirgashona ay Ethiopia iyo Djabouti ay kala saxeeteen waxay meesha ka saarayaan Dekedaha WOQOOYIGA ee Berbera iyo Bosaaso dhawr sababood awgood arintiina ugub maaha ee waxay ka mid tahay ISBEDELKA GEESKA AFRIKA EE ABI AXMED HORKACAYO sannadihii u dambeeyey na Daawaha ayaa ETHIOPIA iyo Djabouti kusoo dubayeen.
Ta LABAAD waxaa u diyaara (infrustrature) suurto gelinaynaya in Mashruucaa XOOLAHA geeska Afrika ay Ka wada dhoofiyaan ETHIOPIA iyo Djabouti oo waddooyin leh, gaadiid train leh aqoonta Dawladnimo iyo fikir wadan lagu hogaamiyo iyo khubaro DHAQAALE isticmaala ay kaga horeeyaan maamulada ama xukuumadaha SOMALILAND iyo Somalia oo ku mashquulsan shares,kootooyin, siyaasado qoysaysan taasina dhalisay in dushooda lagu shaxo lagana fara maroojiyo dhaqaalahoodii. Waxaana la arkay in SOMALILAND iyo Somalia iyo shacab koodii ka maydhantay Wadaniyadii iyo midnamadii qabaailka deggan.
Ta seddexaad weligeed Djabouti waxay rumaysantay dhabna ah Horuumarka Xeebta waqooyi we BADDA cas ee SOMALILAND iyo SOMALIDA kale inay halis ku tahay Dekedda  Djabouti oo iyadu dhaqaaleheedu ku xidhantay markaa sir iyo caad ba waa inay uga  guulaystaa SOMALILAND iyo Berbera.
Ta afraad  waxay ku daadaali jirtay oo suurto Gelinjirtay  inay horuumarka Berbera curyaamin jirtay dawladii Somali Republic na ay isku xulufaysan jireen in Berbera aan la horuumarin magaalo fadhiida laga dhigo, Wayne noqotay Berberi dib u DHAC weyn xilliyadii 1960gii illaa 1990gii ee Somali Republic iyo Mogadisho talada gacanta ku haysay rabitaankii jabuutina socodsiin jirtay.
Madaxda SOMALILAND iyo Somalia si ay gacanta ugu hayso waxay siisaa passports iyo waxayaalo kale oo dano gaara si ay si dadban hogganada oo dhan gacanta UGU hayso.
Ta lixaad Berbera ayaa Beryahan dambe FEEDHJILIB KU DHUFATAY DJABOUTI MARKII DB WORLD AY U SOO GUURTAY BERBERA INFRASTRUCTURE KII BERBERA XAGGII HORUUMAR KA U DHAQAAQDAY BERBERI HESHAY MAAREEYAYAAL DYNAMIC AH OO MAGAALADII ISBEDEL KU DHAQAAJIYEY WAA MAREEYE INA CIDDIN IYO MAAREEYE YAAQUUB OO KU SUNTAN HORUUMARKA XAWLIGA KU SOCDA EE GOBOLKA SAAXIL  OO DJABOUTI AANAY OGOLAYN.
Arintan anigu maqaalakan kooban WAAN KU ABLA ABLAYNAYAA EE INTELLECTUALS AYEY U TAAL  SIDAY U FALANQEEYAAN XOOLAHA, GAASKA, PETROL KA, MACDANTA IYO WAX KASTA OO SOOMAALIYI LEEDAHAY IN LAGA DHOOFIYO DJABOUTI.
LA SOCDA SOOMAALIYEEY DHAQDHAQAAQA DHAQAALE EE INA CUMAR GEELLE FARAHA KULA JIRO QAYBIHIISA SOMAALIDA KALE DHIBAATADU UGA IMANAYSO WAQTIYADA FOODDA INAGU SOO HAYA.
REER SOMALILAND NA WAXAAN UGA DEGAYAA INAANAY INDHA QUDHAANJO SIYAASADEEDU NOQON  IYO  DHAGAX  IYO CIID EE WAA INAY DAWLADNIMO XAGGEEDA U DHAQAAQAAN. MADAX CAYGU WAXBA MA TARO EE WAXBUU DUMIYAA.
Mohamed Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker