Imaaraadka Carabta Oo Dawlada Qatar ku Eedeeyay Inay Taageerto Argagaxisada Somaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash oo maanta dawlada Qatar ku eedeeyay inay xidhiidh dhaw la leeedahay Argagixisada Somaliya,

Wasiir Garqaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbixintii Codka lahayd ee uu Wargeyska The New York Times ku soo bandhigay Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalkaasi kaga hadleen Qarixii bishii May 11-dii ee sannadkan ka dhacay magaalladda Bosaaso.

Garqaash waxa uu Twitter-kiisa ku sii qoray in Qalaalasaha ay Dowladda Qatar ku hayso deriskeeda uu muujinayo xidhiidhka ay la leeyihiin Xag-jirka iyo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sii raaciyey inaysan Qatar beenin Karin qoraalkaasi oo aan u baahnayn Baadhitaano, isla markaana aan la soo dhaweyn Karin Eedeynta ku aadan Argagixisadda ka dhanka ah dalkiisa Imaaraadka iyo inay arrintaasi xaqiijinayso ficilka runta ah ee Afarta Waddan.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash inkastoo uusan qeexin dalalka afarta ee uu sheegay, haddana waxa uu ugala jeeday dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar oo iyagu horey ugu eedeeyey dalka Qatar inay taageerto kooxaha Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar beenisay Eedeymahaasi.

Afartaasi Waddan waxay dalka Qatar ku soo rogeen cunaqabatayn siyaasadeed bilowgii bishii June ee sannadkii 2017-kii, iyadoo aan ilaa iyo haatan wali loo helin Xal Diplomaasiyadeed.

By Suxuf Sinyooe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker