“Madaxweyne Muuse Waxa Dantu Ugu Jirtaa In Uu Raaco Muddada Komishanka Doorashooyinku Qabsaday”…..Gudd. Urur iyaasadeedka HALGAN

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah guddoomiyayaasha urur siyaasadeedyada dhawaan dalka lagaga dhawaaqay gaar ahaan ururka Hlagan ayaa sheegay in xalka kali ah ee maanta Madaxweynaha hor yaallaa uu yahay in uu aqbalo talo soo jeedinta xisbiyada Mucaaridka iyo sidoo kale in uu Komishanka doorashooyinka kula shaqeeyo muddoda ay sheegeen in ay doorasho ku qaban karayaan oo ah sagaal bilood.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Labada xisbi ee mucaaridku waxay sheegeen in haddii inta ka horaysa 13 November aan la helin heshiis loo dhan yahay aanay markaa u aqoonsan doonin Madaxwayne Muuse Biixi in uu yahay madaxwayne sharci ah. Marka ay tahay saamilayda ugu muhiimsan Doorashada Madaxtooyada inta kale wuu jiraa waxay isla ogol yihiin oo ah muddada uu Komishanka Doorashadu qabsaday ee 9ka bilood ah oo labada xisbi ee mucaaridka iyo daneeyayaasha caalamiga ah oo dabcan iyaguna qayb ka ah saamilayda muhiimka ahina ay macquul u arkeen isla markaana ay la waafaqsan yihiin.
Waxa dhiman keliya Madaxwaynaha oo isagu dabcan metala xukuumaddiisa iyo xisbigiisa labadaba in uu isaguna baarigo, si uu meesha uga saaro gebi ahaanba khilaafka siyaasadda ee Somaliland ka abuuray kala qaybsabaanta wayn iyo iska horimaadyada sababa khasaaraha naf iyo maalba leh. Hadii madaxwaynuhu xaqiiqada hortiisa taal aanu indhaha ka qabsanin ee isaguna la qaato taas ayaa noqon karta ama la hubaa in ay tahay xalkii khilaafka doorashada. Waana runtii ta danta u ah shacbiga Somaliland iyo madaxwaynaha laftiisaba waayo waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana dan u ah.
Sidaa daraadeed waxa dadkiisa u dan ah ayaa madaxwaynahana u dan balse sua’aasha malyuun doolarka ahi waxay tahay sidaa ma u arkaa Madaxwayne Muuse mise maya? Waxaynu kala ogaan doonaa hadii Allah yidhaa maalmaha ama toddobaadyada foodda inagu soo haya ee khayr Insha Allah”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker