Daawo: Waa kuwee Shanta Ciyaartoy Ee Da’doodu ka Hoosayso 18 Sano ,Ee Goolasha ka dhaliyay Champions League
Toddobaadkan waxa uu Taariikhda galay Da’yarka Barcelona ee Ansu Fati oo noqday Ciyaartoygii ugu yaraa ee abid gool ka dhaliya tartanka Champions League,
kaddib markii uu daqiiqaddii 87aad aamusiiyey garoonka San Siro oo Inter Milan ay rajaynaysay inay ka hesho guul ay ugu soo gudubto wareegga 16-ka oo ay kaga sare marto Borussia Dortmund, hase yeeshee goolkaas ayaa ku noqday musiibo oo gebi ahaanba burburiyey rajadoodii.
Fati ayaa goolkaasi ka dhigay Ciyaartoygii sagaalaad ee aanay Da’diisu gaadhin 18 sannadood jir, waxaana uu noqday laacibkii ugu horreeyey ee da’daas jira ee gool ka dhaliya Champions League Tan iyo intii ka dambaysay Breel Embolo oo kooxda Basel ee reer Switzerland u dhaliyey gool ,kulankii ay xili ciyaareedkii 2014-15 4-0 kaga adkaadeen Ludogorets Razgrad.
Haddaba kuwee ayay yihiin shanta Ciyaartoyga ee ugu Da’da yar ee goolal ka dhaliya Tartanka Champions League?
- Bojan Krkic (Barcelona): 17 sannadood iyo 218 maalmood
Taariikhdu markay ahayd April 4, 2008, Bojan Krkic ayaa dunida qabsaday kaddib markii uu gool ka dhaliyey tartanka Champions League iyadoo ay da’diisu ahayd 17 sannadood iyo 218 maalmood oo kaliya.
Is-araggii hore ee semi-finalka Champions League ee xili ciyaareedkii 2007-08, waxa uu Bojan kooxdiisa Barcelona u dhaliyey gool ay kaga guuleysteen Schalke 04.
- Cesc Fabregas (Arsenal):17 sannadood 218 maalmood.
- Mateo Kovacic (Dinamo Zagreb): 17 sannadood iyo 216 maalmood.
- Peter Ofori-Quaye (Olympiacos): 17 sannadood iyo 195 maalmood.
- Ansu Fati (Barcelona): 17 sannadood iyo 40 maalmood.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAAS OO FAAHFAAHSAN.