Cayda iyo ceebaynta Xirsi, saddex kooxood ayaa isubahaystay!

Cayda iyo ceebaynta Xirsi, saddex kooxood ayaa isubahaystay; koox war-moogayaal ah oo caadifadaysan, oo dheg keli ah wax ka maqla oo intaasina u raacday inay Xirsi Waddani ka dhex arkeen, xisbiga Waddanina ay beyr ka leeyihiin ama waxa afka qalaad looyaqaan (fobio) iyo ashkhaas Xirsi ay dano gaar ah isku-seegeen. Kooxda saddexaad waa taageerayaasha madaxweyne Muuse oo daaha dabadiisa ku gabbanaya, baroortooduna orgiga ka weyntahay!

Sidaas aawadeed, buugga Xirsi ujeeddadiisa dhabta ah waxaa af-duubay kooxahahaas dusha ku xusan, falanqeyntiisa hadda socotaana waa mid aan laga caddaalad-falin oo aan hor Ilaahay iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisnayn. Sababahaas awgood falcelintaasi maaha mid la iibsan karo oo u cuntamaysa inta caqli fayow ee aan caadifadu hoggaamin.

Xaqiiqdu waxay tahay, Xirsi Cali X Xasan muu aflagaadayn madaxweynihii hore ee ummadda mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siilaanyo) haseyeeshee si doqon ma-garato ah ayuuba ugu hiiliyey! Hadduu yidhi: Madaxweyne Siilaanyo inuu iscasilo ayuu doonay isagoon bil kursiga ku fadhiyin; ma waanay arrintaasi muujinayn in aanu xukun jeclayn? Ma waanay muujinayn inuu yahay oday saciima oo aad u jecel wanaaga dalkiisa iyo dadkiisa wax kastana ka hormarinaya?

Si xun wax-u-sheeg sixir ka daranee, buugga ‘Miyi ilaa Madaxtooyada’ markaad akhridid tiro ma leh inta jeer ee uu qoraagu sheegayo ama qirayo hoggaaminta iyo shakhsiyada san ee mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Aadan. Waxaa nasiibdarro ah, in badi dadka buugga ka hadlayaa aanay akhriyin ama shaydaan ka indho saabay nuxurka dhabta ah ee buugga.

Halgamaa Axmed-Siilaanyo taariikh lama dhaafaana ayuu dalkan Somaliland ku leeyahay, mana aha mid cidina mad madow gelin karto. Siilaanyo dabadiina deegaanada uu ka soojeedo, siyaasiga ugu culus, ugu saameynta badan, ugu taageerid-helida-og, ugu kartida badan waa mudane, Xirsi Cali X Xasan Maxamuud.

Waxaan leeyahay waar kuwa iminka caayayow hadhow markuu soodhuhu dego bal yaan la idin arkin idinkoo ammaanaya! Adeer ninkaas gaaban wuu idin xushanyey haddii aad caydaan iyo haddaad ammaantaaba. Lama huraanna waa caws jiilaal.

Nabadey.

Cabdirisaaq Maxamuud Baynax.
Uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker