Doorashooyinka is-barkan iyo Baraad li’ida Danyarta

Bishii May Sanaddkan 2020 waxa dil foolxun uu kula kacey sarkaal Bolis cadaan ahi George Floyd oo ahaa muwaadin Maraykan Madow ah, ka dib dilkaa, waxa muran iyo madow badani hadheeyay hannaanka maamul ee madaxweynaha Maraykanka Donald trump, Mudahaaraddo iyo Mashaakil ka dhashey dilka Muwaadinkaas madowga ah ayaa hadheeyay Maraykanka gaar ahaan Minneapolis, New York, Atlanta, Oakland, Dallas iyo guud ahaan Caalamka, iyagoo ay ka dhasheen khasaaro aad u ba’an oo naf iyo maalba leh.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga dimuqradiga Maraykanka Joe Biden oo ka faa’idaysanaya kala fogaanshaha dadka madowga ah iyo Maamulka Donald Trump ayaa garabkiisa bidix ama booska Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ku casuumay gabadha lagu Magacaabo.

Kamala Devi Harris. Mrs Harris waa qareen Madow-Mareykan ah iyo siyaasiyad ku xoogsata jagada Senatarka Mareykanka lagana soo doorto California tan iyo 2017, Sidoo kale ah Xubin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, Harris waa haweeneydii Koobaad ee Madow-Mareykan iyo Hindi-Mareykan ah ee u orodda jagada ku xigeenka Madaxweynaha Maraykanka.

Saaxadda Siyaasadda Somaliland waxa ka socda dadaalo hor leh oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka Golayaasha Guurtida iyo Deegaanka, Si guud Xisbiyadda qaranka waxaan kula talinayaa inaan duruufta iyo baahiyaha bulshada tabarta daran ee tabanaysa inay helaan xisbi ama Xukuumad baahidooda wax ka taraysa inaanay uga faa’idaysan danno kursi-helid.

Waa billaahi towfiiq

Muktar Hassan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker