Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Booqasho Ku Tegayao Dalka Kenya?

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay Toddobaadkan socdaal ku tagi doonaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay arrintan, balse warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan gudihiisa safar ugu baxayo dalka Kenya.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland uu halkaa kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama uga waxyaabaha labada Madaxweyne ka wada-hadli doonaan, balse Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya ayaa ku soo beegmaya laba Toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay ka caydhisay Safiirkii Kenya u joogay Caasimadda Muqdisho.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh, waxaana Somaliland xafiis ku leedahay Magaalada Nairobi, halka Kenya dhowr jeer ballan-qaaday inay Xafiis ka furanayso Somaliland, balse illaa hadda taasi ka hirgelin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker