Kenya oo soo bandhigtay magaca hoggaamiyiha weerarkii Shabaab ee Wajeer

Wajeer (OWN) – Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyey Magaca  Masuulkii Hogaaminaayay  weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen dad saarnaa bas marayey Wajeer, oo lagu dilay 13 qof oo u badnaa Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya. Masuulkaas Hogaaminaayay Hawlgalka lagu Laayay 13 ka Qof .

Waxaaneey Sirdoonka Kenya Cadeeyeen inuu Ahaa Macalin Dugsi

Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya, ninkan ayaa lagu magacaabaka Maxamed Xuseen Xasan, wuxuuna macali ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla degmada Wajeer, wuxuuna muddo ka hore gudaha Kenya geeyay maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la qabtay dad ay ka mid tahay xaaskiisa , Ka dibna su’aalo ayice-ka Kenya  .

 

Weerarkii Wajeer oo ay sheegatay Al-Shabaab, kana mid ahaa kuwa ugu khasaraha badan ayaa dadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

 

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Bas ku socday Mandheera, waxaana jidka u galay maleeshiyo ka badan 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan, kuwaasoo dadkii Baska saarnaa u kala saaray muslimiin iyo Kirishtaan, kadibna laayey dadkii aan muslimka ahayn.

 

Ururka Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay gudaha dalka Kenya, waxayna dhawr jeer ka fuliyeen gudaha Kenya weeraro khasaaro badan geystay.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka AMISOM, waxayna Al-Shabaab sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ka fuliso Soomaaliya marka ay Kenya ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker