Deni oo magacaabay Guddiga gurmadka dadka kusoo Barakacay Colaada Laascaanood

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabid Guddiga Arrimaha Biniโ€™aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Biniโ€™aadantinimada ee dadka soo barakacay, waxaana Guddiga oo Wasiiro u badan ay ka kooban yihiin 13-xubnood, iyadoona Guddoomiye looga dhigay Wasiir Juxa.

Guddigaan ayaa magacaabistooda waxaa ay ku timid, Baahida loo qabo in looย  diyaar garooboย  dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood, oo ay duullaan kusoo qaadeen ciidanka maamulka Somaliland.

Dagaal galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa ka socda magaalada Laascaanood, khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, ciidanka Somaliland ayaa xasuuq baโ€™an ka geystay halkaas, iyagoona madaafiic adeegsanaya.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga uu magacaabay Deni.

1-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.

2- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.

3- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.

4- Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.

6- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.

7- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.

8-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.

9- Maxamedย  Caydiid Jaamacย  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.

10- Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.

11-ย  Shiikh Fuโ€™ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.

12- Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.

13- Cabdikaafi Axmedย  Siciid Ganacsade Xubin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker