Dillaaga Qarsoon ee Sompower: Kiish Loo Samaystay in Lagu Boobo Jeebka Shacabka, Dulmiga iyo Khasaaraha Joogtada ah ee ay ku Hayso Dadweynaha adeegooda Isticmaala!. Warbixin Cabdicasiis Bashiir Nuur.

Shirkada Kootada loogu xidhay Laydhka gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Sompower, gaar ahaan Caasimada Hargaysa, ayaa tacadiyo kala duwan ku haysa Bulshada ay Kootada ku haystaan, isla markaana ku haya dhibbaatooyin isaggu jira Khasaare hantiyeed, adeeg xumo iyo tacadi joogto noqday.
Shirkada Sompower oo qiimaha Laydhka ay Kootada ku haysataa yahay midka ugu qaalisan dunida, ayaa qaybaha Bulshada ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxay sida fiinta uga qaylinayaan dhibaatooyin Laydhkoodu gaadhsiiyo xilliyo kala duwan iyo sidoo kale Khasaare laydhkoodu Bulshada u gaysto oo aanay Masuuliyiinta Shirkaddu gar iyo garoowshiyo midna kaga garbixin Shacabka uu waxyeeleeyey adeegooda aan daryeeleyn ee Laydhku.
Gubashada Guryaha Magaalada Hargeysa ee u sabaabo Laydhka Sompower, ayaa maalinba maalinta ka dambaysaysa sii kordhaya, mana jirto wax hanti ah oo ay Bulshada dhibka uu gaysto Laydhkoodu ay ugu mag-dhabaan  waxanay taas bedelkeeda Shirkaddu adeegsataa Shuruuc aan cidi u saxaaxin iyo sidoo kale Garyaqaano ay mushaharo ku siiso inay Bulshada uu dhibka u gaysto Laydhkoodu ku duudsiyaan in aan waxba lagu lahayn Shirkada Sompower.
Hadaba waxaynu qormadeenan kusoo qaadan doonaa Yaa masuul ka ah khasaaraha aay guriyaha u geysato korontada Sompower?. Yaa looga dacwadda?. Yaas’e ka garnaqi kara?. Yaa soo fadhiisin kara ganacsatada Sompower dhiig-miiratada ah?.
Inagoo qaybaha dambe ee qormooyinkeena kaga Hadli doona, jawaabaha su’aallahaas.
Hase-yeeshee waxaynu maanta si kooban uga hadli doonaa khasaaraha ay shirkaddu u gaysato Bulshada ay Kootada ku haysato. Waxa sannaad walba uu gubbaa Laydhka Sompower Guryo kala duwan, Kuwasoo uu gubashadooda sabab u yahay Laydhkooda, isla markaana waxa uu sabaaba Khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Khasaarahaas ay shirkada Sompower u gaysato dadka adeegeeda isticmaala, gar iyo garoowshiyo midna kama bixiso, taas bedelkeeda waxay ugu dartaa tacadiyo kale qoyska ama qofka ay hantidiisi ma guurtada ahayd iyo wixii agab guri ama hantiyeed ee u yaalay uu Laydhkoodu gubay.
Sidaas daraadeed Badbaadada bulshadu kuma jirto Laydhka oo Kooto cid gaar ah loogu xidho, Shacabka Caasimad
u haka foojignaadaan Mashruucaa la fool eryey ee nolosha bulshada khatarta ku ah, isla markaana loogu Midoobay in umadda la isaggu daro adeeg xumo, qiimo qaaliya iyo gaysasho Dhibaato hantiyeed iyo weliba mid naffeed. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur.

 

Tel: 0634144434
Xogreeb@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker