Dawladda Imaaraadka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digtay inay U Safraan Dalal Ay Ka Tahay Soomaaliya
Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay soo saartay digniin ku aadan dhanka ammaanka, gaar ahaan muwaadiniinta u dhashay dalka Imaaraadka ee Muqdisho u soo safraya.
Warqad Digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa muwaaddiniinta dalkaas looga digay 13 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Digniinta dhinaca socdaalka ah ayaa lagu saleeyay xaaladda amaan ee dalalkaas, waxaana lagu sheegay in ammaanka dalalka laga digayo aanuuย ahayn mid la isku halleyn karo.
Dalalka Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria,Koofurta Suudaan,Syria,Ciraaq,Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen, ayaa lagu sheegay digniinta Imaaraadka ka soo baxday.
Digniinta waxaa ay ku socotaa dadka u dhashay Imaaraadka ee xilliga fasaxa xagaaga aadaya dalalka kor ku xusan.
Imaaraadka iyo Somaliya ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf ka dhashay goโaankii dhex dhexaadka ah ee dowladda Somaliya ka qaadatay Khilaafkii ka dhex taagnaa dalalka Khaliijka.