Maxkamad Lahor Keenay Nin Qirtay Inuu Dilay Hooyadii, Jarjaray, kaddibna Cunay ..

Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa la soo taagay Nin u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyey inuu dilay hooyadii isagoo  meydkeedana  jarjaray, kaddibna cunay.

Alberto Sánchez Gómez ayaa la xidhay sanadkii 2019, kaddib markii booliiska ay tageen guriga hooyadiis oo 66 sano jir ahayd.

Ninkan oo markaas 26-sano jir ahaa, ayaa la sheegay in uu qirtay in uu cunaha ku dhagay  hooyadii wuxuuna sheegay in mararka qaar uu xubno ka tirsan meydkeeda cunayay mararka qaarna uu eyga siinayay.

Booliska waxay sheegeen inay arkeen xubno jirka bani’aadamka ah oo ku kala firirsan agagaarka guriga, qaarkood waxaa lagu riday weelal caagag ah.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu horey u qabay xanuun dhanka dhimirka ah, sidoo kalena uu daroogada aad u isticmaali jiray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker