Wargeyska The Econamist oo Warbixin ka Qoray Maalgashiga Imaaraadka ee Somaliland

Wargeyska caalamiga ah ee The Economist ee falanqeeya dhaqaalaha, kana  ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa ka waramay maalgashiga shirkadda DP World ay ku maalgashanayso dekedda Berbera oo ah marso  ku taalla bogcad muhiim.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Majallada The economist oo warbixin ay daabacday shalay daboolka ka qaaday  in dekedda qadiimiga ah ee Berbera lagu wado inay noqoto dekedda ugu ballaadhan madaqada Geeska Afrika, halka xukuumadda imaaraadkuna ay saldhig millatari ka dhisanayso magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaas ku daray in 450 milyan oo doolar oo lagu casriyeynayo marsadda Berbera ay noqonayso maalgashigii ugu ballaadhnaa ee Somaliland hesho tan iyo markii ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf  Cismaan, ayaa u sheegay majallada The economist  in dawladda Soomaaliya aanay  xukumin 10km oo ka mid ah dhulkeeda, isla markaana aanay hawaysan karin Somaliland.

Wargeysku wuxuu  intaas raaciyey in dawladda isu-tagga imaaraadka carabtu ay dhaqaale badan ku maalgelinayso Somaliland oo aan wali aqoonsi caalami ah ka helin caalamka.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker