MAANSADA BULSHO
Ma bilaabo ba, diyo woowga gabay
Buugna uma qaato
Bal haddaan se maagaa uyahay
Kii bayaan sida,e
Ballan keenna waa kii fahma ah
Baydka uu yahaye.
Boqolaal haddii loo horoo
Booli lagu qaato
Baab kastaba haddii loo egmado
Baydhis iyo tuugo
Wasiir kii haddii uu badsado
Amaba baal jooge
Baarsare haddii laga amroo
Jeegag lagu boobo
.
Malaayiinka yurub ay baxshaan
Baanka lagu hooynin
Haddaan biniba loo kaydinoo
Inanku boorseeyo
Bahal cunaya ay wada yihiin
Beelahoo idili
Macdanteenna buuraha haddii
Baylah lagu qaato
Badda iyo kaluun kana haddaan
Barasho loo aadin
Baraaruge hadduu gaabiyoo
La iska baashaalao
.
beertiyo haddaan xoolanool
Eegis loo badinin
Intaasoo burburin ihi haddii
Barada ay taalo
Haka biqina inay baaba,doo
Buunka loo tuma,e
Barakadiyo khayr keenna yaal
Yaa kasii badane
.
Baahideenu nabad waarta iyo
Waa jacayl badane
Haddii aan bahdeed noqono oo
Laysla wada beero
Basaas kaleba dhaymaad uheli
Waanay baabi,ye
Barbaar teenna wacan buu ka iman
Beela daajuhuye
Baxnaanadiyo samirkaa (ILAAH )
Kugu badhaadhayne
.
Waxba yaad bilaash odhan raggii
Mawdku beegsadaye
Waxba yuu intii baashe tegey
Beerku kuu gubane
Bakhaaradiyo suuqaa dhammaan
Ceeshku buuxsami ye
Waxba uurku yuu laba boglayn
Waa berriye taasi
Isubaaqa goortii kastoo yaan
Bulshadu liicin
Maxamuud cismaan (Moholin )inMaxamuud cismaan (Moholin )