Hambalyo 18 May – HEVOS UK.

Ku: Shacabka reer Somaliland
Ujeedo: Hambalyo

 

Daladda ay ku midoobeen Jaaliyadaha reer Somaliland ee UK ee Hear Voices of Somaliland (HEVOS-UK) waxay Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyaynaysaa bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo sidoo kale Munaasibada 18 May oo sannadkan isku Maalin kusoo beegmay. Alle Subxaana Wa Tacaala Soonka iyo Cibaadada ha inaga aqbalo, sannadkan kiisana Nabadqab iyo Caafimaad ha inagu gaadhsiiyo dhammaanteen. Ramadan Mubarak iyo Hambalyo 18 May.

 

Waxa kale oo Daladda HEVOS cambaaraynaysaa Dagaalka gardarada ah ee Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland kusoo qaadeen 15/05/2018 Ciidamada Somaliland ee u sugan jiida hore eeTukaraq. Waxaynu ku jirnaa Bilo barakaysan oo cibaado sidaad darteed waxaanu ugu baaqaynaa Maamulka Puntland inuu joojiyo weerarada
gardarada ah.

 

Waxa Daladda HEVOS iyadoo aad iyo aad uga werwer qabta Xaalada Dalku ku sugan yahay, Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilaysaa inay ku guuldaraysatay soo afjarista Colaada soo noqnoqotay ee ka aloosan Deegaanka Ceel-Afweyn iyo Nawaaxigiisa ee Beelaha oodwadaagta ahi ku dirirayaan.

 

Waxaa cad in Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu ku fashilmeen inay Dastuurka ka shaqaysiiyaan islamarkaasna sugaan Amniga Muwaadiniintaas ku dhimanaya Dagaalkaas soo noqnoqonaya.

 

Cid kasta oo Dhib, Dil, Dhaawac, Barakac iyo waxyeelooyin kale u gaysata Muwaadin ama Muwaadiniin kale oo reer Somaliland ahi waxay Fal-dembiyeed culus ka gashay Dastuurka Qaranka Somaliland. Dastuurkana waxaa fulintiisa masuul ka ah Haayadaha Dawlada, gaar ahaana Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayaa Masuul ka ah fulinta Dastuurka iyo Shuruucda ka farcama ee lagu sugayo Amniga Muwaadin kasta. Waxaa nasiibdarro ah iyadoo Xukuumadan iyo tii ka horaysay ee Kulmiye Heshiisyo hore uga soo saareen arrinkan, inay haddana ku fashilmeen fulinta Qodobadii hore looga soo saaray Colaadaas, waxaanay arrintani sii kordhisay Dareenka iyo Tuhunka Shacabka reer Somaliland Gudo iyo Dibadba ka qabaan in cid Xukuumada ka tirsani Dagaalkan dabada ka riixayso islamarkaas ay jiraan Dano gaar ah oo laga leeyahay, taasina ma noqon doonta wax Shacabka reer Somaliland sii
eegan karaan.

 

Daladda HEVOS waxay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa xusuusinaysaa in arrinkani yahay Fidno, haddii aan hadda si dhakhso ah talaabooyin ku qotoma  2 Cadaalada laga qaadin, si fudud ugu baahi karta dhammaan Gobolada Dalka oo Caasimada Hargaysa ku jirto.

 

Sidaas darteed anagoo ka wakiil ah Jaaliyadaha Qurbajoogta UK waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqaynaa inuu soo qabqabto, sharcigana hor keeno Darafka markasta jebinaya Dhaarta ay galeen iyo Qodobada Heshiisyada.
Ugu dambayna Daladda HEVOS waxay Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqaysaa inuu soo dhiso Xukuumad Qaran oo loo siman yahay Saami-qaybsigeeda islamarkaasna u hogaansan, kuna Shaqaysa Dastuurka iyo Sharciga Dalka.

 

Allah Mahadle
Gudida HEVOS – UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker