Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Waa Ninka Kaliya Ee Wadda Hadashiin Karra Somaliland iyo Soomaaliya iyo Soomaalida Kalleba: Najiib Ismaaciil

Murran kama taagna in uu hadda Yahey Ninka kaliya ee Odeyga u ah Guud ahaanba Soomaalida hadii laga tagi Waayo Waa marka loo eego Mudo xileedkiisa, ku siman kuna dhaw labaatan Sano iyo dheeraad, Waxa uu Wakhti lasoo qaatey Cahdigii Marxuum Cigaal Somaliland Madaxweynaha ka ahaa, Xaga Soomaalidana Waxa uu Saaxada kudoo jirrey Tan iyo intii ay iska badelayeen 4 Madaxweyne oo uu isagu soo dhisey iyo Farmaajo oo hadda ku Shan ah Sidaas ayuu ku noqonayaa Odaygii Wada hadashiin lahaa Soomaali.
Dadku kolay isku aragti ma ahee Taa Waxaa markhaati uga noqdey, Inta ugu badan Soomaalida mudada uu kusoo Waddey Dalkiisa Nabedgalyo, Siyaasad iyo Hurumar ay Beesha Caalamka Wax kula Qeybsatay Jabuuti, Waxeynu ogsoonahay in Madaxda aduunyadu hadii ay Wada hadashiiso Somaliland iyo Soomaaliya Waxa aynu Xaqiiqsanahey in aaney marnaba dhexdhexaad ka noqonayn oo ay iyaggu ahmiyadda Siinayaan Wakhtigan kaa ay Aqoonsan Yihiin Haseyeeshee, hadii uu Wadahadalka Qabto Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele marnaba ma Dhacayso in uu Somaliland Xaqeeda Duudsiyo maadaama uu la Warhayo xogogaalna u yahey Halgankii iyo Hawshii ay Soo martey, iyo Waxa ay Shacbigeedu kasoo muteen Midnimadii Soomaalida iyo Dawladdii Milatariga aheyd ee ay Dagaalka adag lasoo galeen.
Geesta kale Madaxweyne Geele in uu Wadahadalkaa Gogoshiisa Fidiyo Waxa ay Muhiimad gaar ah u Leedahey Waa Nin Soomaali ah oo lu hadlaya af-soomaali oo gar iyo gardarro Xeer iyo Xaagaanba Garanaya, oo aan Marnaba Looga Fadhiyin in uu u badheedho ‘Gar-eexo Sidaa Daraadeed Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland marnaba kama Fursaneyso Madaxweyne Geele oo dhaqankii iyo Xeerkii Soomaalidaba u ah Soomaali Xogogaalna u ah Arimaha Soomaalida Isagoo Wakhtigana jooga Cimrigii aan Garta laga Beydhi jirrin Waxaan ka filayaa annigu aragtidayda in uu Dhinac Walba Xamilkiisa Taabsiinayo laakiin aanu Xadhig Qaloocan Saareyn Waliba Somaliland Xadhig Qaloocan marnaba looga Filimaayo, Waa halka kaliya ee uu Mustaqbalka ku Noolaan karro isaga iyo Qoyskiisu Marka.laga Yimaado Jabuuti Waa Gurigiisii 2aad, Gabagabadiina Madaxweyne Ismaaciil Cumar Waa Ninka kaliya ee Wadahadashiin karra Somaliland iyo Soomaaliyaba.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466117

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker