Ra’iisul Wasaaraha UK Aabihii Oo Codsaday Dhalashada Dalka Faransiiska

Aabaha dhalay ra’iisulwasaaraha dalka UK, Boris Johnson, ayaa sheegay inuu codsanayo dhalashada dalka Faransiiska maadaama Britain ka baxday Midowga Yurub.

Stanley Johnson ayaa idaacada dalkaasi Faransiiska ee RTL u sheegay inuu waligiisba isku arki jiray inuu yahay nin Faransiis ah maadaama hooyadiis ay ku dhalatay dalkaasi Faransiiska.

Stanley oo 80 jir ah isla markaana horey u ahaa xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka ee baarlamaanka reer Yurub ayaa aftidii sanadkii 2016 taageerayay in Britain ay ka sii mid ahaato midowga reer Yurub.

Wiilkiisa Boris oo hadda ah ra’iisulwasaaraha dalka UK ayaa hormuud ka ahaa ololihii ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub kaddibna waxaa haatan u suurtagashay in UK uu ugu dambeyntii ka saaro reer Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker